Home » Europe » Isco Alcaron Oo Ka Qiil Cajiib Ah U Sameeyay Sawirkii Muranka Dhaliyay Ee Uu Xalay Baraha Bulshada Soo Dhigay?

Isco Alcaron Oo Ka Qiil Cajiib Ah U Sameeyay Sawirkii Muranka Dhaliyay Ee Uu Xalay Baraha Bulshada Soo Dhigay?

Isco Alcaron ayaa halmar gilgilay baraha bulshada kadib markii uu soo dhigay sawir ay ka muuqato maaliyadda Barcelona isagoo la fadhiya asxaabtiisa meel ka tirsan magaalada Madrid inkastoo markii dambe uu ka saaray.

Xidigii hore Malaga ayaa aad loola xiriirinayay Barcelona inkastoo uusan boos joogta ah ka heysan Madrid sidoo kalana qandaraaskiisa uu kaga harsan yahay kaliya 12-bilood.

Isco marka uu soo galiyay sawirka wuxuu qof walba u muuqday mid garwaaqsaday inuu xidigaan usii socdaalayo Madrid inakstoo uu markii dambe ka saarya bartiisa Instagram-ka hadana wuxuu sameeyay qiil cajiib ah.

“Kuma biirayo Barcelona, waxaa tahiin dad xanaaq badan” Ayuu Isco kusoo qoray bartiisa bulshada ee twitter.

“Tani waxey aheyd sawir aan ugu sheegayay inaan dooneyno inaan garaacno iyaga”

24-jirkaan heerka caalami ayaa sidoo kale sheegay iney aheyd arin ay ku kaftamayeen saaxiibadiis marka laga hadlo kulanka El-Clasico.

Ugu dambeyntii Isco ayaa ka dhawaajiyay inusan waligiis isku dayin sidaas, sidoo kalana uu doonayo inuu hadalkaan ku xasiliyo Jamaahiirta Real Madrid.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *