Home » Horyaalada » Bundesliga » Isco Oo Si Cajiib Ah Ugu Dhaqaaqi Doona Barca Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan Oo Waliba Beeca Xorta Ah

Isco Oo Si Cajiib Ah Ugu Dhaqaaqi Doona Barca Dhamaadka Xilli Ciyaareedkaan Oo Waliba Beeca Xorta Ah

Tababaraha Kooxda Kubada Cagta Ee Real Madrid Zidane Ayaa Isco ugu baaqay in heshiis cusub uu u saxiixo kooxda Madrid kadib guushii kooxda Madrid eey ka gareen kooxda Alaves habeenkii xalay

kadib markii xidigaan uu xalay gool dhaliyay bandhig fiicanna sameeyay

xidigaan reer Spain ayaa heshiiskiisu uu dhacayaa xagaaga 2018 ayadoona lala xiriirinaayo in laa cibkan si cajiib ah uu ugu dhaqaaqi doono kooxda Barcelona oo eey cadaw yihiin naadiga Madrid

24-jirkaan aya bandhig ficican sameeyay kadib 14-kulan oo uu ku soo bilawday xili  ciyaredka 2016/2017

guushii ugu danbeysay oo eey Madrid 3/1  kulagaday dhigeeda Alaves ayaa xidigaan lagu xasuustaa bandhigiisii cajiib ka ahaa ka dib markii uu gool dhaliyay 2-kalena caawinaad ka geeystay

Tababaraha kooxda kubada cagta ee Real Madrid ayaa kooxda ugu baaqay in eey heshiis ka saxiixdaan xidigaan

heerka caalami” dabcan isagu waa ciyaaryahan muhiim ah waxaan jeclahay in uu ka sii mid ahaado naadiga  wuxuu ka mid yaha Isco xidigaha muhiimka ah oo ee ku duusha naadiga Madrid”

Ayuu saxaafada u sheegay tababare Zidane ka dib ciyaarta mar kii eey soo idlaatay

Isco ayaa lala xiriirinayaa in uu beeca xorta ah ugu dhaqaaqo dhamaadka xiliciyaareedkaan koxda Barcelona

ayadoo uu noqon doono ciyaaryahankii labaad ee Madrid ka tirsan oo Barca si xor ah ugu biiro kadib ciyaaryahankii hore ee Real Madrid haatanna ah Tababaraha Kooxda Barcelona ee .Luis Enrique oo 1996 beeca xorta ah uga soo tgay naadiga Madrid kuna biiray Barcelona

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *