Home » Europe » Jamaahiirta Arsenal Oo Xitaa Dibad Baxyada Siyaasadeed Ku Muujinaya Naceybkooda Arsene Wenger – Maxaa Lagu Arkay South Afrika?

Jamaahiirta Arsenal Oo Xitaa Dibad Baxyada Siyaasadeed Ku Muujinaya Naceybkooda Arsene Wenger – Maxaa Lagu Arkay South Afrika?

Tobaneeyo kun oo South African ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka dalkaasi kuwaas oo kasoo muujinayay sida ay kaga xun yahiin isku shaandheyntii dhanka wasiirada oo uu sameeyay madaxwyenaha dalkaas Jacob Zuma.

Badalkii uu madaxweynaha ku sameeyay siyaasadda oo ay ka mid aheyd inu badalay Wasiirka Maaliyadda Pravin Gordhan ayaa wadanka galisay xaalad adag taasoo keentay iney dadka ka banaan baxaan go’aankaas aysan ku qancin.

Wax walba ayaa sare u kac uu ku yimid marka la eego dhanka cunada, shidaalka, canshuurta iyo wax walba oo kale

Marka laga soo gudbo xaaladda dalka South Afrika, Jamaahiirta Arsenal ayaa dibax baxaas baaxada leh kaga faa’ideystay iney kusoo bandhigaan sida ay kaga xun yahiin xukunka Arsene Wenger waxaana lasoo qabtay dhawr boor oo lagu soo qoray “WengerOUT” iyo sidoo kale “Wenger waa inaad baxdaa”

Jamaahiirta Gunners waxey u muuqdaan kuwo aan ka quusan doonin dalabkooda ku aadan inuu isaga tago kooxda macalinka reer France ee Arsene.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *