Home » Europe » Jose Mourinho Oo Doortay Ciyaaryahankii Ugu Fiicnaa Ciyaartii Ay Kooxdiisu Guul Darada Kala Kulantay Chelse, Hadaba Waa Kuma?

Jose Mourinho Oo Doortay Ciyaaryahankii Ugu Fiicnaa Ciyaartii Ay Kooxdiisu Guul Darada Kala Kulantay Chelse, Hadaba Waa Kuma?

Jose Mourinho ayaa sheegay in Poul Pogba uu ahaa ciyaaryahanka ugu fiicnaa garoonka ciyaartii ay koxdiisu guul darrada kala kulantay Chelsea kulan ka tirsanaa rubuc dhammaadka FA Cup.

Manchester United ayaa waxaa  1-0 kaga adkaaday Blues ciyaartii kadhacday Stamford Bridge, ayadoo N’Golo Kante uu daba mariyay David De Gea goolka kaliya ay Chelsea guusha ku gaartay.

Paul Pogba: Praised by Mourinho after FA Cup exit

Pgba ayaa ciyaaray 90-daqiiqo oo buuxda laakiin aan soo bandhigin waxii looga baahnaa, ayadoo dhaleeceenta loo soo jeedinayo bandhigyadiisa ay sii kordhaysay dhawaanahan.

23-jirkaan ayaa United u ciyaaray daqiiqado ka badan ciyaar yahan kasta xilli ciyaarekan.

Si kastaba ha ahaatee, Mourinho ayaa iska indha tiray dhaleeceemaha asagoona sheegay in Pogba uu ahaa “ ciyaaryahankii ugu fiicnaa garoonka” kulankii ka dhacay Stamford Bridge.

“Ciyaaryahanadu waxay ahaayen kuwa wanaagsan laakiin waxaan doorbidi lahaa mid sababtoo ah wuxuu ahaa mid ku taqasusay in uu raaxaysto,” Mourinho ayaa u sheegay MUTV.

“Dabcan sababtoo ah waqitagaas ma aysan helayn 10 boqolkiiba lacagta uu isagu helayay.

“Waxay dabcan ku timid hinaaso laakiin waa inaan iraahda, aniga ahaan, Paul Pogba wuxuu ahaa ciyaaryahanka ugu fiican garoonka..

“Isagu wuu ku halgamayay garoonka, asaga kadib, dhammaan wiilashayda kale waxay ahaayeen cajiib.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *