Home » Maxaa Cusub » Jose Mourinho Oo Si Kulul Ula Hadlay Ciyaartoyda Bilicda Magaalooyinka Ka Doorbida Kubadda Cagta.

Jose Mourinho Oo Si Kulul Ula Hadlay Ciyaartoyda Bilicda Magaalooyinka Ka Doorbida Kubadda Cagta.

Jose Mourinho ayaa si daran u dhaleeceeyay ciyaartoyda nolosha caadiga ah ka doorbida dareenka kubadda cagta isagoo ka dhawaajiyay inuu kaliya lasoo saxiixanayo ciyaartoyda ay ka go’an tahay iney u ciyaaraan Manchester United.

Mourinho ayaa diyaaraday liis dheer oo uu kaga soo dukaameysan arabo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga soo aadan waxaana ka mid ah Antoine Griezmann, Tiemoue Bakayoko iyo xidiga Inter Milan Ivan Perisic.

Ciyaariyahanka aan mustaqbalkiisa wali la saleynin ee Alexis Sanchez ayaa shaaca ka qaaday inuu doorbidayo joogitaanka magaalada London xilli uu bartilmaameed u yahay kooxda u sharaxan horyaalka Premier League-ga ee Chelsea.

Balse Mourinho ayaa ka dhawaajiyay in nuuca ciyaartoyda jecel iney ku noolaadaan casimadaha aysan aheyn kuwa uu doonayo iyadoo Red Devils ay qorsheyneyso iney qarash gareyso 150 Malyan oo Pound.

“Hadii ciyaariyahanka uu doonayo inuu u guuro London, haku raaxeysto, uma baahnin isaga” Ayuu yiri Mourinho, “Hadii arinkiisa ugu horeeya ay tahay inuu ka fakaro halka uu aadayo si uu ugu noolaado, haka fakaro Los Angeles”

“LA Galaxy ayaa u noqon karta dooqiisa koowaad, kadib Victoria Setubal oo Portugal ah, ha aado xeebta maalin walba, kuwaas waa meelaha ugu bilicsan ee lagu noolaado laguna ciyaaro. balse waxaan dooneyna dadka aan si dhab ah ula heshiino xiriirka ugu horeeya”

“Waxaan dooneynaa dadkaas, hadii aan waco ama Mr. Woodward uu waco qof ama wakiil, waxaan dooneynaa qofka si dhaqso leh inoola heshiiya ama riyo ay u tahay halkaan”

“Taasi waa xogta ciyaariyahanka aan dooneyno, hadii aadan rabin inaad noo timaado, nasiib wacan, ku raaxeyso kooxdaada kale” ayuu yiri Jose Mourinho.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *