Home » Horyaalada » Jurgen Klopp oo madaxda Liverpool u tilmaamay shaqsiga uu doonayo in lagu bedesho marka ugu dambeyn uu kooxda ka tago

Jurgen Klopp oo madaxda Liverpool u tilmaamay shaqsiga uu doonayo in lagu bedesho marka ugu dambeyn uu kooxda ka tago

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa daaha ka qaaday inuu jeclaan lahaa inuu arko Steven Gerrard oo ka bedelaya xilka tababarenimo ee kooxda Reds marka ugu dambeyn uu ka tago camaaliqada ka dhisan garoonka taariikhiga ah ee Anfield Road.

Halyeeyga The Kop Gerrard ayaa dib ugu soo laabtay kooxda uu kusoo barbaaray, wuxuuna xagaagaan la wareegi doonaa maamulka ciyaartoyda akadeemigga Liverpool ee dhallintoodu ka hooseyso 18 sanno jirka.

Tababarihii hore ee kooxda Borussia Dortmund Klopp ayaa bishii July ee sannadkii lasoo dhaafay qandaraas kordhin lix sanno ah u saxiixay kooxda Liverpool, sidaas darteed ma qorsheynayo inuu Reds ka tago waqti dhow.

Laakiin wareysi uu ninka u dhashay dalka Germany siiyey majaladda The Times ayuu ku sheegay in rajadiisu ay tahay inuu halyeeyga Liverpool Gerrard ka bedelo xilkaan tababarenimo ee Anfield Road marka uu ugu dambeyn kooxdaan isaga huleelo.

Klopp ayaa laga soo xigtay: “Waan u sheegay isaga, marka aan kooxda ka tago, ama ay kooxdu i raacdeyso, dabcan inkastoo aysan markaas waxba iga quseyn cidda i bedeleysa, balse hadana inaan jeclaan lahaa inuu isagu (Steven Gerrard) qabto xilkaan”.

Reds ayaa xaqiijin doonta usoo bixitaankeeda tartanka UEFA Champions League ee xilli ciyaareedka soo aadan haddii ay Axada guul ka gaarto kooxda Middlesbrough waana maalinta ugu dambeysa horyaalka England Premier League.

 
 
 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *