Home » Europe » Champions League » Juventus Oo Quusiyay Kooxda Barcelona – Monaco Oo Ku Tumatay kooxda Borussio Dortmund Soona Dhameestirtay Afarta Koox ee Tartanka Champions Legaue Isugu Soo Hartay

Juventus Oo Quusiyay Kooxda Barcelona – Monaco Oo Ku Tumatay kooxda Borussio Dortmund Soona Dhameestirtay Afarta Koox ee Tartanka Champions Legaue Isugu Soo Hartay

Waxaa hore taratnka champions league heerkiisa afar dhamaadka iska xaadiriyey kooxaha reer Madrid ee Real Madrid iyo Atheletico Madid ka dib markii ay kasoo kala adkaadeen Liecister iyo Bayern Munich.

Caawase waxaa kusoo biiray afarta kooxood oo soo dhameestiray Monaco iyo Juventus kuwaasoo aan usoo naxariisan BVB Iyo Barcelona.

Barcelona Vs Juventus

Ma ahayn sida laga filayey kooxda Barcelona in ay ku bilaabato ciyaarta maadaama laga doonayey in ay dhaliso goolal qeybta kowaad ee ciyaarta inta lagu guda jiro.

Dybala ayaa ahaa xidigii ugu dhaqdhaqaaqa fiicnaa ciyaartii ka dhacday garoonka Juvetus si la mid ah wuxuu ahaa xidigii qal qal galiyay daafacyada kooxda Barcelona inkastoo Umatiti iyo Pique ay ka diideen dhaqdhaqaaqyada xidigan uu sameenayey.

Shaxda Ay Kusoo Wada Bilaawdeen labada Koox:

Barcelona:

Ter Stegen; Roberto, Piqué, Umtiti, Alba; Busquets, Iniesta, Rakitić; Messi, Suarez, Neymar.

Juventus:

Buffon; Dani Alves, Bonucci, Chiellini, Alex Sandro; Khedira, Pjanic; Cuadrado, Dybala, Mandzukic; Higuain.

 

Barcelona ayaa ku bilaabatay ciyaarta si ka duwan sida ay kusoo bilaabatay ciyaartii sida lama filaanka ahayd ee ay uga soo gudubtay kooxda PSG waxeyna ku dibtootay in ay dhaafto xidigaha qadka dhaxe kaga ciyaarayey Juve ka hor inta aan la gaarin daafaca kooxda.

Neymar ayaa ahaa xidigii ugu  dhaqdhaqaaqa badnaa ciyaarta wuxuna isku dayo ka sameyey garabka uu daafaca ka yahay xidiga ay isku xulka yihiin ee Alves horane ay Barcelona ugu soo wada ciyaareen balse daafacan ayaa ahaa mid shaqadiisa gudanayey maadaama uu jaxan jax uusan u sameyneynin xidihii ay isals oo safteen mudada dheereed uu Camp Nou joogay.

Juve meysan u jaxan jixin weerarada aan dhameestirka laheyn ee ay soo qaadeyso kooxda Barca taasoo wadatay go’aankii aha in ay kusoo adkaato ama bar baro kusoo Camp Nou.

Neymar vs Dani Alves – Messi Vs Pjanic ayey aheyd ciyaarta maadama xidigahan ay isku raacayeen si barer ah hadii ay ahan laheyd qaab daafacasho ama qaab weerareed kuwaasoo weerarka iyo daafacaba isku adkeynayey.

garsooraha ciyaarta ayaa ahaa mid si ay ku qancaan taageerayasah kasoo horjeeda kooxda Barcelona u dhax dhaxaadiyey ka dib markii uu xidigaha Barca uu ula dhaqmay qof aan waxba maqal maadama qaladyo aan loo istaagin uu ku fasaxayey halka kuwa kale uu ku abaal marineyey calaamada digniinta ah ee hurdiga waxaana si deg deg ah kaar hurdi ku qaatay Neymar.

Monaco Vs Borussia Dortmund

Mpabbe ma ahan xidig u baahan in saxaafada ay ka gado kooxaha maadama uu saxaafada uu si saxan isku baray kaasoo labada garoo goolal ku dhaliayay waxaana xusid mudan xidigan in ay ku qaadatay mudo yar in laga barto qaarada yurub iyo dhamaan dunida inta u dhuun duleesha kubada cagta.

Borussia Dortmund ayaa ahayd kooxda kaliya ka soctay dalka Germany taaoo looga fadhiyay in ay daaacdo sharafta reer Bundesliga maadaama Kooxda Bayern xalay Real madrid guul darado kala kulantay.

Shaxda Ay Kusoo Wada Bilaawdeen labada Koox:

Monaco:

Subašić; Touré, Glik, Jemerson, Mendy; Moutinho, Bakayoko; Silva, Lemar; Falcao, Mbappé.

Borussia Dortmund:

Bürki; Piszczek, Ginter, Sokratis, Durm; Weigl, Şahin; Reus, Kagawa, Guerreiro; Aubameyang.

Goool!!!! Daqiiqadii 3-aad ee ciyaarta xidiga reer France ee Kylian Mbappe Lottin loogu magacaawo ayaa gool u ansaxiyey kooxda Monaco taasoo ay kaga dhigneyd goolkiisa labaad heerka sideed dhamaadka xili ciyaareydkan maadamaa uu labada kulan gool ka dhliayay kooxda Borussia Dortmund.

Meysan ahayn mid u baahan in laga sii fakiro in ay hartay kooxda BVB maadama ay u ciyaareysay sida laga filayey mooyaane si kale.

Monaco ayaa sii wadatay dardarkii ay wadatay oo ay ku dooneysay in ay ka ciribtirto kooxda BVB tartanka champions league taasoo looga fadhiyay in ay iska soo gudo goolashii deenta ahaa ee lagu lahaa xili ciyaartii hore looga soo adkaaday 3-2 iyadoo marti gainaysa kulankaasi.

Gool!!! Daqiiqadii 17-aad ee ciyaarta  Radamel Falcao ayaa gool kale u ansaxiyey kooxda Monaco taasoo ay uga dhignayd 22-koox 24-kii koox ee qaarada yurub uu la ciyaaray.

 BVB ayaa ka quusan natiijada ciyaarta maadaama ay u ahayd xili wanagsan sababtuna ay tahay in ay ku ciyaarayso meel ka baxsan gurigeeda oo kaliya looga baahanyahay in ay iska soo gudo una saariso waa hadii ay awoodaan xidigaha kooxda BVB weerarka kaga ciyaarayey.
Gool!!! Daqiiqadii 46-aad ee ciyaarta Marcos Rous ayaa gool usoo celiyay kooxda BVB kaasoo niada u dhisay kooxda waxeyna kaga dhigantahay in uu 16-gool u ku luglahaa 13-kii kulan ee u danbeeyay uu ciyaaro wuxuua dhaliyay 11-goal halka afarta kale u caawiyey.
Gool!!! Daqiiqadii 81-aad ee Ciyaarta Valere Germain ayaa quusiyay kooxda BVB ka dib markii uu goolkii lixaad ee kooxda Dortmund laga dhaliyay u u ansaxiyey kooxda Monaco, waxeyna kaga dhigneyd in ay dhameestireen kooxaha afarta ah ee usoo gudbay taratankan.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *