Home » Europe » Kabtan Vincent Kompany Oo Ka Hadlay Guul Darradii Xalay Kooxdiisa Kasoo Gaartay Chelsea ,Iyo Haddi Ay City Usoo Bixi Karto Champions Legaue.

Kabtan Vincent Kompany Oo Ka Hadlay Guul Darradii Xalay Kooxdiisa Kasoo Gaartay Chelsea ,Iyo Haddi Ay City Usoo Bixi Karto Champions Legaue.

Manchester City kabtankeeda Vincent Kompany ayaa aaminsan inay kooxdiisu soo bandhigtay bandhig cajiib ah ciyaartii ay kahor tageen hogaamiyayaasha Premier League ee Chelsea inkastoo ay qasaaro 2-1 ah kula so kulmeen Stamford Bridge arbacadii.

 

Kooxda kaalinta afaraad ayaa xakamaysay kubad haysashada ciyaarta ayagoona sameeyay shuudad bartilmaameed ah oo ka badan mida kooxda kasoo horjeeday. Si kastaba ha ahaatee laba gool oo uu dhaliyay Hazard qaybtii hore ayaa Chelsea ka caawiyay in ay kusii hogaamiyaan 7-dhibcood horyaalka.

“Sida iska cad, kuma faraxsanin laakiin madhihi karo waan ka niyad jabsanahay bandhiga,”ayuu Kompany u sheegay wariyayaasha. “Waan niyad jabsannahay maanaan guulaysan ciyaarta.

 

“Marka laga tago middaa, waxa uu ahaa bandhig wanaagsan. Jir ahaan, waan u diyaarsaneen tartanka waanna xakameennay ciyaarta.

 

Kompany, kaas oo ciyaaray 90 daqiiqo oo horyaalka ah markiisii ugu horreeysay muddo sanad ah, ayaa sheegay in City ay diyaar u tahay u dagaalanka booska afaraad si ay ugu soo gudbaan Champion League xilli ciyaareedka soo aadan.

 

City ayaa sidoo kale wajihi doonta Arsenal ciyaar katirsan FA Cup afar dhammaadkiisa 23-ka April, kaas oo ah koobka kaliya ee tababare Guardiola uu billad kasoo hoyn karo xilli ciyaareedkiisa ugu horreeya ee kooxda.

 

“annagoo tix galinayna booskeena, waan u dagaalami doonnaa ilaa dhammaad ka yaga,”ayuu Kompany ku daray hadalkiisa.

 

“bartilmaameedkeena waqtigan waa Champions League, waanna ku raja wayn nahay inaan gaarno Finalka FA Cup.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *