Home » Horyaalada » Kabtanka Argentina Lionel Messi Oo Booqday Dhakhtarkiisa Gaarka Ah Ee Kala Taliya Cunooyinka.

Kabtanka Argentina Lionel Messi Oo Booqday Dhakhtarkiisa Gaarka Ah Ee Kala Taliya Cunooyinka.

Jimcadii ayey aheyd markii Lionel Messi uu booqasho ku tagay magaalada Venica ee ku taala waqooyi bari dalka talyaaniga sidoo kalana ka tirsan gobolka Veneto.

Kabtanka Argentina ahna hogaamiyaha ugu sareeya kooxda Barcelona ayaa u safray talyaaniga si uu u booqdo dhakhtarkiisa gaarka ah ee kala taliya cunooyinka.

Leo ma ciyaari doono kulanka caawa ee ay kooxdiisa la ciyaari doonto Granada madama uu ganaaxan yahay madama uu jaalahiisii shanaad qaatay ciyaartii Valencia.

Sida ay ku warantay jariiradda SPORT ee gobolka Catalan isla markaana ay xaqiijisay jariiradda MARCA ee Madrid laga leyahay, Messi ayaa gaaray Venice galabnimadii jimcada si uu u hubiyo dhakhtarkiisa cunooyinka ee lagu magacaabo Giuliano Poser.

Si kastaba safarka Messi ma aheyn mid aad u dheer madama uu isla habeenimadii jimcaha soo laabtay, waana u caado inuu xidigaan booqdo dhakhtarkiisa gaarka ah ee cunooyinka.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *