Home » Europe » Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo Oo Si Weyn Loogu Sharfay Magaalada Kaza Laguna Sawiray Gidaar Ku Dhaw Hotel-kooda.

Kabtanka Portugal Cristiano Ronaldo Oo Si Weyn Loogu Sharfay Magaalada Kaza Laguna Sawiray Gidaar Ku Dhaw Hotel-kooda.

Xulka qaranka Portugal ayaa ka qeyb galaya koobka qaaradaha (Confederation Cup) ee la qabto sanad walba oo ka horeeya dhacdada koobka Aduunka lana micno ah afartii sanaba mar inuu marti galiyo dalka martigalinta koobka Aduunka ku qoran.

Portugal waxey mataleysaa qaaradda yurub madama ay ku guuleysteen koobka Euro 2016, balse hogaamiyahooda Cristiano Ronaldo ayaa si weyn loogu sharfay magaalada Kazan madama lagu si weyn loogu sawiray gidaar ku dhaw hotel-ka ay ka dagayaan magaaladaas.

Sida ay sheegeen warbaahinta gudaha dalka Russia, xulka qaranka Portugal waxey awoodi u heli karaan iney daaqadooda hotel-ka ay ku sugan yahiin kasoo eegaan gidaarka uu ku sawiran yahay kabtankooda.

xulka ku guuleystay koobka qaramada qaaradda yurub wuxuu kulanka ugu horeeya la ciyaari doonaa Mexico.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *