Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kadib Darsan Goolal Ah & Guuldaro Sibir Ah Oo Ay Kala Kulmeen Barcelona B – Eldense Oo Isaga Baxeysa Horyaalka Heerka Sadexaad.

Kadib Darsan Goolal Ah & Guuldaro Sibir Ah Oo Ay Kala Kulmeen Barcelona B – Eldense Oo Isaga Baxeysa Horyaalka Heerka Sadexaad.

Wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in kooxda heerka sadexaad ee horyaalka La Liga Eldense ay ku dhawaaqeen ineysan ciyaari doonin kulamada ka haray xili ciyaareedka kadib guuldaradii xasuuqa aheyd ee ay kala kulmeen da’yarta Barcelona.

Kooxdaan Eldense waxaa la aas-aasay sanadkii 1921 waxeyna ka dhisan tahay bariga Spain, Axaddii ayeyna ku dhawaaqday iney si kumeel gaar ah u joojin doonaan dhamaan dhaq-dhaqaaqyadii ciyaaraha iyo heshiiskii ay kula jireen maalgaliyayaasha reer talyaani maalin kadib xasuuqii ay kala kulmeen Barceona B.

Muddo nus qarni u dhaw ma dhicin in sidaan la isaga badiyo 1993 ayeyna aheyd markii 12-0 ay Extremadura ku duugtay kooxda Portuense.

Sida la arkayay muuqaalada iyo sawirada laga qabtay ciayarta, ciyaartoyda da’da yar ee Barcelona oo sabarsiinaya kuwii ay garaaceen kadib dhamaadkii ciyaarta.

Kooxda Eldense waxaa uga haray xilli ciyaareedka lix kulan, mana cada sida ay u xalin doonaan, Barcelona B ayaa hogaamineysa qeybtaan.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *