Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kadib Goolkiisii Isreal – Halkee Ayuu David Silva Kaga Jiraa Liiska 10-ka Xidig Ee Ugu Goolasha Badan Xulka Spain.

Kadib Goolkiisii Isreal – Halkee Ayuu David Silva Kaga Jiraa Liiska 10-ka Xidig Ee Ugu Goolasha Badan Xulka Spain.

Ciyaariyahanka khadka dhexe qaranka Spain iyo Manchester City David Silva ayaa ku talaabsaday rikoor fiican oo dhanka goolasha qarankiisa ah kadib markii uu xalay ka mid noqday ciyaartoyda ciqaabta adag u geysatay xulka qaranka Isreal [Yahuudda].

La Roja ayaa 4-1 ku xasuuqda Isreal kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka ee wadamada yurub, waxeyna adkeysteen iney wali hogaanka group-kooda ay goolal kaga hayaan Italy.

Si kastaba David Silva wuxuu goolkii xalay u ahaa kii 29-aad ee waayahiisa xulka qaranka isagoo u saftay 110-kulan, waana xiddiga shanaad ee ugu goolasha badan La Roja isagoo barbareeyay rikoorka gooldhalinta halyeyga Real Madrid Fenando Heirro kaas oo 89-kulan oo qura kasoo muuqday xulka intii u dhaxeysay 1989 ila 2002.

David Villa ayaa ah hogaamiyaha ugu sareeya gooldhalinta xulka qaranka Spain kaas oo dhaliyay 59-gool, kaliya 97-kulan oo uu xirtay maaliyadda qarankiisa, halka Raul uu 44-gool dhaliyay 102-kulan oo uu ciyaaray, hana iloobin in Fernando Torres uu dhaliyay 38-gool kadib 110-kulan oo uu ciyaaray.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *