Home » Horyaalada » La Liga Spain » Kadib Goolkiisii Real Betis Cristiano Ronaldo Oo Xalay Rikoor U Dhigay Horyaalka La Liga

Kadib Goolkiisii Real Betis Cristiano Ronaldo Oo Xalay Rikoor U Dhigay Horyaalka La Liga

Real Madrid ayaa xalay guul soo laabasho ah ka gaartay Real Betis kulan ka tirsan horyaalka La Liga taaso sidoo kale u sahashay iney si rasmi ah ugu soo laabato hogaanka horyaalka, balse weeraryahankooda reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa dhigay rikoor.

Cristiano Ronaldo ayaa rikoorka ciyaariyahanka dhaliyay madaxa ugu badan horyaalka La Liga kuwa hadda ciyaara kala wareegay weeraryahanka Bilbao Aritz Aduriz.

Kabtanka Portugal ayaa dhaliyay goolkiisii 46-aad oo uu madaxa ku dhaliyo horyaalka La Liga kulankii ay ka hor jeedeen xalay Real Betis, wuxuuna rikoorkaas ku sameeyay garoonka Santiago Bernabeu.

Afar daqiiqo ka hor qeybta hore ciyaarta ayuu Ronaldo shabaqa dhex dhigay madax qurux badan markii uu kubad joog sare ah ka helay Marcelo, wuxuuna ahaa goolkiisii 19-aad ee horyaalka xagaagan.

Dhinaca kale weeraryahanka Athletic Bilbao Audirz ayaa horay u heystay rikoorkaan madama uu 45-madax dhaliyay mudadiisa horyaalka.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *