Home » Europe » Champions League » Kadib xili ciyaareedkii Real Madrid oo soo dhamaaday Zidane oo laga sugayo go,aano adag & xalinta mustaqbalka Isco & James

Kadib xili ciyaareedkii Real Madrid oo soo dhamaaday Zidane oo laga sugayo go,aano adag & xalinta mustaqbalka Isco & James

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid Isco ayaa sheegay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu hashiis cusub u usaxiixi  doono kooxdiisa ka dib markii uu kula guulaystay koobka Champions League.

Isco ayaa loo badinayay waqti hore oo xili ciyaareedkaan ah in uu isaga tagi doono garoonka Bernabeu, laakiin dhaawicii soo gaaray Bale ayaa xiddigaan waxa ay siisay fursad isagoona soo bandhigay xirfadiisa rasmiga ah.

Isco ayaa xalay kusoo bilawday ciyaartii kooxdiisa garaacday Juventus xilli dad badan ay qabeen in uu kusoo bilaaban karay ciyaartaan xiddiga xulka Wales ee Bale.

Mar ay weydiiyeen wariyayaasha mustaqbalkiisa ciyaarta ka dib ayuu Isco yiri “waxaan rajeynayaa inaan sida ugu dhaqsiyaha badan heshiis cusub usaxiixo ma jirto sabab aan kaga tagayo halkaan.

“haddii aan ogaan lahaa in finalka Champions league sidaan kudhamaanayo. waxaan usaxiixi lahaa xilli ciyaareed kasto kooxdeyda.

Isco ayaa Real Madrid waxa uu kula guulaystay Koobkiisii seddexaad ee Champions League muddo Afar xilli ciyaareed oo uu ku sugan yahay kooxda Real Madrid.

Kooxda Manchester City ayaa si weyn loola xarriirnaayay 12 bilood ee ugu danbeyay ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Real Madrid.

dhinaca kale mustaqbalka kubadsameeyaha Real Madrid James Rodriguez ayaa waxaa go’aamin doona Zinedine Zidane, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

Ciyaaryahanka caalamiga ah ee dalka Colombia ayaa sumad u ahaa xilli ciyaareedkan warar xan ah oo sheegaya inuu ka tagayo kooxiisa.

Xaalka ayaa sii kordhay kadib markii laga saaray xulkii Rea Madrid ee finalka Champions League ku garaacay Juventus, taasoo la micno ah inuu soo dhamaaday waayihiisii Madrid.

Manchester United iyo Inter Milan ayaa si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqo 25-sano jirkaan, oo kaliya 20 kulan kusoo bilowday tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan 2016-17.

Perez ayaa u sheegay saxaafada inuu jeclaan lahaa inuu isku hayo kooxda Madrid oo dhan, laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay in wadahadalo uu la qaadan doono Zidane si loo xaliyo mustaqbalka ciyaaryahanka.

“Waxaan dooneynaa inaan la hadlo Zidane, maxaa yeelay isaga ayaa go,aamin kara ciyaartooyda kooxda u baahan tahay ayuu yiri Zidane.

James waa ciyaaryahan cajiib ah, laakiin marka aad u badan ciyaaryahanka waxaan ogana kara tababaraha ayuu yiri Perez.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *