Home » Horyaalada » KASHIFAAD: Halyeeyga Arsenal Tony Adams oo caddeeyey in kooxdu ay si xun u bahdishay, qandaraaskiisii ugu dambeeyey iyo mushaarkii qaabka darnaa

KASHIFAAD: Halyeeyga Arsenal Tony Adams oo caddeeyey in kooxdu ay si xun u bahdishay, qandaraaskiisii ugu dambeeyey iyo mushaarkii qaabka darnaa

Kabtankii hore ee kooxda Arsenal Tony Adams ayaa daaha ka qaaday in maamulka Gunners ay ixtiraam darro weyn u muujiyeen isaga markii laga soo dalbaday qandaraas ku aadan sannadkiisii ugu dambeeyey ee kooxdaan.

Xilligaas kooxda ka dhisan Old Trafford ee Manchester United ayaa markii labaad halyeeygaan xiriir lasoo sameysay si ay ula wareegto. Balse wuxuu la kulmay xoghayaha Arsenal Ken Friar iyo agaasimaha kooxda Danny Fiszman si uu ugu xaqiijiyo inuu doonayo inuu saxiixo qandaraaskiisi ugu dambeysay.

Arsene Wenger iyo David Dein oo waqtigaas isla sawiran

Adams ayaa daaha ka qaaday in dalabkii uu ka helay maamulka Manchester United loogu ballan qaaday in loo seddax jibbaari doono mushaarkiisa sannadlaha ah ee Arsenal kaasoo gaarayey 300 kun oo ginni, wuxuuna ka qaadan lahaa ku dhowaad HAL milyan oo ginni haddii uu ku biiri lahaa kooxda ka dhisan Old Trafford.

Balse kabtankii hore ee xulka England Adams ayaa iska dhaadhiciyey inay Arsenal tahay koox leh hammi guul, diyaarna u ah inay tartan la gasho kooxaha ka ciyaara horyaalka England Premier League.

Sidaas darteed, wuxuu sheegay inuu doonayey inuu u caddeeyo Arsenal inuu u qalmo saxiixidda qandaraas uu sannadkiisii ugu dambeeyey kooxda kula qaadanayo, isagoo ka warqabay siyaasadda kooxda ee ah in ciyaartoyda dhallinta ah laga saxiixo qandaraasyo hal sanno ah.

Buugga ka hadlaya taariikh nololeedka Tony Adams ee Sober oo la iibin doono 1da June

“Waxaan aaday guriga David Dein ee ku yaalla Hertfordshire, waxaana u aaday inaan la hadlo isaga iyo Arsene Wenger si aan qandaraas cusub kooxda ugu saxiixo, balse mushaarkii la iisoo bandhigay iyo guud ahaan dalabkaba waxaan dareemay inuu ixtiraam darro iyo sharaf dhac igu ahaa.

“Arsenal waxay iisoo bandhigtay in mushaarkeygu uu ku xirnaan doono inta kulan ee aan kooxda u ciyaaro. Aniguse waxaan doonayey hal sanno oo qandaraas ah oo mushaar cayiman la ii ballan qaadayo. Waan la yaabay. Xaqiiqaduna waxay tahay waxaan dareemay inay kooxdu i bahdishay. Waxayna markaas ka dib maamulka kooxdu iisoo bandhigeen mushaar aan dhammeyn kala bar wixii aan 10 sanno ka hor kooxda ka qaadan jiray”.

Adams wuxuu caddeeyey in Arsenal aysan xitaa xilligaas bixineyn mushaarka ay bixineysay Chelsea oo kale, taasi waxay keentay inuu daaficii reer England Ashley Cole isaga tago Gunners kuna biiro Blues.

Adams waqtigaas wuxuu ahaa 35 sanno jir, wuxuuna ciyaaray 13 kulan xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey, taasoo keentay in mushaarka qandaraaskiisii ugu dambeeyey laga dhigay mid ku xiran kulamada uu kooxda u ciyaaro, bedelkii mushaar joogto ah loo qori lahaa, waana arrinta uu ixtiraam darrada ku tilmaamay, isagoona sheegay in aysan Arsenal daacad u aheyn shaqaaleheeda.

Halyeeyga loo yaqaano MR Arsenal ayaa kubadda cagta ka fariistay sannadkii 2002dii.

Buugga Tony Adams ee SOBER: Football. My Story. My Life waxaa iibkiisu uu bilaaban doonaa 1da bisha June ee soo aadan. Shabakadda GOOL.NET ayaana xog kasta oo muhiim ah kaaga soo gudbin doonta.

 
 
 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *