Home » Maxaa Cusub » Khabiirka BBC-da Garth Crooks Oo Doortay Shaxda Kooxdiisa Ugu Fiican Isbuucaan Horyaalka Premier League.

Khabiirka BBC-da Garth Crooks Oo Doortay Shaxda Kooxdiisa Ugu Fiican Isbuucaan Horyaalka Premier League.

Khabiirka BBC-da Garth Crooks ayaa soo doorta todobaad walba shaxda kooxdiisa ugu fiican isbuuc kasta Premier League-ga isagoo ku qiimeeya ciyaartoyda hadba waxqabadkii ay soo bandhigaan kulamada ay ciayaraan.

Garth shaxdiisa waxaa ugu badan sadex kooxood oo min laba uu kasoo xulay waana Man United, Man City & West Brom, inkastoo laba ka mid ah ay guulo gaareen (West Brom iyo Man United) sidoo kalana ay City bandhig fiican ku sameysay Etihad Stadium kulan ay barbardhac la dhaafi weysay Liverpool.

Goolhaye Kasper Schmeichel ayuu soo xushay Gareth kaas oo badbaadooyin fiican sameeyay kulankii ay guusha dirqiga ah ka gaareen West Ham.

Daafaca wuxuu soo xushay Nyom iyo Dawson oo ka wada tirsan West Brom kuwaas oo guuldaro gurigooda ku gaarsiyay Arsenal, sidoo kale daafaca waxaa kula lamaansan Stones oo si wanaagsan u difaacay City iyo Gary Cahill oo guul muhiim ah farta ka saaray Blues.

Khadka Dhexe wuxuu ku kulmiya kaliya sadex xidig waana Antonio Valencia, Eriksen iyo Silva, halka Weerarka uu ku kulmiyay Lingard, Mane Iyo Lukaku.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *