Home » Horyaalada » Koox Ka Ciyaarta Horyaalka EPL-Ka Oo Ku Kalsoon Lasoo Wareegitaanka Alexis Sanchez

Koox Ka Ciyaarta Horyaalka EPL-Ka Oo Ku Kalsoon Lasoo Wareegitaanka Alexis Sanchez

Manchester City ayaa si weyn ugu kalsooni qabta lasoo wareegi taanka xidiga kooxda Arsenal Alexis Sanchez markii uu idlaado xili ciyaareydkan.

waxaa la aamisanyahay macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola iyo kan hogaamiya kooxda Manchester United Jose Mourinho in ay labaduba xiriir qaas ah ay la leeyhiin xidigan reer Chile waxeyna xiriir la yeesheen todobaadyo ka hor inta uusan  usoo dhaqaaqin kooxda uu haatan u ciyaaro ee Gunners.

United ayaa ku jirta kooxaha sida weyn u baadi goobaya xidigan kuwaasoo si weyn suuqa ugu jiraa maadaama uu Jose ku wareersanyahay in uu Wayne Rooney ka diro Old Trafford halka uu Martial uu wali go’aan ka qaadan ka tagi taanka kooxda.

Chelsea ayaa sidoo kale ku jirta kooxaha ugaarsanaya Alexis halka Paris Saint-Germain ay bilooyin ka hor usoo dhaqaaqday soo xera galinta xidiga reer Chile Sanchez.

Balse wararbadan iyo xogogbadan la helay ka dib xidigan ayaa ku wajahan in uu u dhaqaaqo garoonka Etihad Stadium ee kooxda City.

waa arin ay ku farxi doonto kooxda City hadii ay ku arkaan garoonka Etihad xidigan maadama xidigan uu hore uga soo hoos ciyaaray Pep Guardiola xiligii kooxda Barcelona horena u doonayo xidigan.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *