Home » Horyaalada » Koox Premier League Ka Dhisan Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Inay Dooneyso Kabtanka Chelsea John Terry

Koox Premier League Ka Dhisan Oo Si Rasmi Ah U Shaacisay Inay Dooneyso Kabtanka Chelsea John Terry

Tababaraha kooxda Swansea City Paul Clement ayaa shaaca ka qaaday goordhaweyd inuu wadahadal kala geli doono kabtanka Chelsea John Terry sidii uu ku imaan lahaa kooxda reer Wales.

John Terry ayaa ka tagay Chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana la filayaa inuu baaqi ku sii ahaado horyaalka Premier League, iyadoo kulanka Axada uu noqon doono midkii ugu danbeeyay ee Premier League ee uu u dheelo Chelsea.

Terry oo haatan fasax gaaban isaga iyo xaaskiisa ay ku joogaan dalka Portugal ka dib kulankii habeenkii Isniinta ayaa durbaba soo jiitay xiisaha kooxda reer Wales ee Swansea kuwaasoo banaanka soo dhigay doonistooda kabtanka Blues.

Paul Clement ayaana sheegay inuu si shaqsi ah u la hadli doono John Terry si uu u keeno Swansea marka uu ka tago Chelsea xagaagan.

Laakiin waxa uu xusay inuusan weli ka warqabin waxa uu yahay qorshaha Terry ee ka dib Chelsea, haddii uu doonayo inuu garoomada ku sii jiro, haddii uu doonayo inuu Premier League ka ciyaaro iyo haddii uu doonayo inuu meel ka baxsan England ka dheelo.

Clement oo sheegay inay si fiican isku garanayaa Terry waayahoodii Chelsea ayaa carabka ku dhuftay inay arimahaas noqon doonaan waxa uu kala hadli doono kabtankii hore ee England.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *