Home » Europe » kooxaha Napoli Iyo Juventus Oo Wada Xiisaynaya Xidig Katirsan Southampton, Iyo Qiimaha Ay Ku Heli Karaan.

kooxaha Napoli Iyo Juventus Oo Wada Xiisaynaya Xidig Katirsan Southampton, Iyo Qiimaha Ay Ku Heli Karaan.

Napoli iyo Juventus ayaa lagu soo warramayaa in ay isku diyaarinayaan inay kasoo kaxeestaan St Mary Southampton qadkeeda Tusan Tadic suuqa kala iibsiga xagaaga.

 

28-jirkaan ayaa la aaminsanyahay inuu dooonayo inuu kooxda iskaga tago marka ay daaqada kala iibsiga dib u furanto kadib markii tababare Cloude Puel uu  ciyaaryahankan uu ka badiyay badal uu ciyaarta kaga saarayo.

Southampton midfielder Dusan Tadic in action during his side's EFL Cup final with Manchester United at Wembley on February 26, 2017

 

Sida ay ku warramayso Daily Star, cabashada xidigan ayaa keentay xiisaha kooxaha Serie A Juventus iyo Napoli, kuwaas oo doonaya lasoo dhaqaaqidda xidiga reer Serbia.

 

Labadan koox ayaa la aaminsanyahay in ay doonayaan ciyaaryahano aad ugu fiican qadka dhexe xagaaga, halka Tadic oo horay ugu soo ciyaaray kooxda reer Holland ee Twenty uu yahay ciiyaaryahan kasoo biixi kara doorkaass.

 

Sidoo kale Arsenal ayaa sidoo ah koox xiisaynaysa xidigan lagu qiimeeyo £13m.

 

Tadic, oo Saintas kusoo biiray 2014-kii, ayaa dhaliyay 3-gool sidoo kalana diiwaangashtay afar caawin oo Premier League ah xilli ciyaareedkan.

 

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *