Home » Horyaalada » italian Serie A » Kooxaha Real Madrid Iyo Chelsea Oo Isku haysta Saxiixa Daafaca kooxda Juventus Alex Sandaro Balse Qiimo Noocee Ayaa Lagu Heli karaa

Kooxaha Real Madrid Iyo Chelsea Oo Isku haysta Saxiixa Daafaca kooxda Juventus Alex Sandaro Balse Qiimo Noocee Ayaa Lagu Heli karaa

Sida ay qortay jariiradda A BOLA ee kasoo baxda dalka Portugal – kooxaha labada ah ee Real Madrid iyo Chelsea ayaa si daran ugu dagaalamaya saxiixa daafaca bidix ee kooxda Juventus Álex Sandro, balse daafacaan waxaa kaliya lagu heli karaa 45 Malyan oo Euro.

Kalsoonidii uu Zidane ku qabay Fabio Conteroa ayaa soo idlaatay waxaana qasab ku ah macalinka reer France inuu keeno kooxda badal macquul ah oo lagu nasiyo Marcelo sidoo kalana kula dagaalama booxka bidix ee daafaca, inkastoo uu heysto Nacho – hadana maahan mid dabiici ku ah booskaas.

Theo Hernández, Yuri, iyo Ghoulam ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Real Madrid, balse haatan waxey diirada saareysaa xidiga reer Brazil.

26-sano jirkaan heerka caalami ee sida wacan ula qabsaday kooxda Turin ayaa kaliya lagu heli karaa 45 Malyan oo Euro, waxeyna labada kooxood ku qasban yahiin iney bixiyaan qiimahaas si ay u helaan – Madrid ayaana ku cad-cad sida lagu qoray jariiradda AS ee Spain laga leeyahay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *