Home » Europe » Champions League » Kooxahee Ku Dhameysan Kara Afarta Ugu Sareysa? Ayeyse U Hareen Kulamada Ugu Culus – Sky Sports Oo Faah-Faahisay Horyaalka Premier League-ga.

Kooxahee Ku Dhameysan Kara Afarta Ugu Sareysa? Ayeyse U Hareen Kulamada Ugu Culus – Sky Sports Oo Faah-Faahisay Horyaalka Premier League-ga.

Muranka ka jira ama doodda ka taagan cidda ku dhameysan karta afarta kooxood ee ugu sareysa xagaagan horyaalka Premier League ayaa ah mid wali taagan, balse marka la gaaro dhamaadka bisha May – 4-kooxood ayaa ku dhameysan doona halka 2-da kale ay rumeysan doonaan sida ay wax u dhaceen.

Miyey Arsenal markii 20-aad oo xiriir ah usoo bixi doontaa Champions League? Miyeyse Everton markii ugu horeysay tan iyo 2004/05 soo gaari doontaa afarta sare?

Qofna kama jawaabi karo su’aalahaas balse waxaa muhiim ah in qof walba uu ogaado kooxaha sidey u kala horeeyaan iyo koox walba kulamada u harsan, waxaana dul istaagi doonaa min koox.

CHELSEA:

Waa kooxda ugu sareysa horyaalka 10-dhibcodo ayey ka sareysaa Tottenham Hotspur oo kusoo xigta, waxaana qofna caad ka saarneyn iney ku dhameysan doonto afarta ugu sareysa inkastoo in ka badan 80% la oran karo waa kooxda ku guuleysatay horyaalka.

Marka la fiiriyo kooxaha sare iyo sida ay u wajaheyso kaliya sadex kooxood ayaa u dhiman waana Man United – Man City iyo Everton.

KULAMADA U HARSAN:

Crystal Palace (H), Manchester City (H), Bournemouth (A), Manchester United (A), Southampton (H), Everton (A), Middlesbrough (H), West Brom (A), Sunderland (H), Watford (H).

TOTTENHAM HOTSPUR:

Xitaa hadii uu ka maqan yahay gooldhaliyahooda Harry Kane – waxey leeyahiin shartooda waxeyna tartan xoogan u gali doonaan afarta sare sidoo kalana dagaalkodoa hanashada horyaalka sidaa uma buurna.

Laba koox kaliya ayey wajahi doonaan marka la eegto 7-da kaalmood ee ugu sareeya waxeyna kala yahiin Arsenal iyo Manchester United.

KULAMADA U HARAY:

Burnley (A), Swansea (A), Watford (H), Bournemouth (H), Crystal Palace (A), Arsenal (H), West Ham (A), Manchester United (H), Hull (A), Leicester (A – date TBC).

MANCHESTER CITY:

Kadib kulankoodii Liverpool – mashaqo adag baa hortaala wiilasha Pep Guardiola – waxey wada booqan doonaan Emirates Stadium iyo Stamford Bridge si xiriir ah sidoo kalena Etihad Stadium ayey ku qaabili doonaan Man United, waana sadexda kulan ee ay wajaheyso kooxaha heerka sare.

Hadii Guardiola uu sadexdaas kulan dhibco fiican ka helo wuxuu fursad buuxda u heli doonaa inuu afarta sare ku dhameysto.

KULAMADA U HARAY:

Arsenal (A), Chelsea (A), Hull (H), Southampton (A), Manchester United (H), Middlesbrough (A), Crystal Palace (H), Leicester (H), Watford (A), West Brom (H – date TBC).

LIVERPOOL:

Liverpool waa kooxda ugu fiican ee xog fiican ka heysata lixda kooxood ee ugu sareysa, ma jirto koox ay guuldaro kala kulantay dhamaan kooxaha sare. kulanka ugu weyn ee u haray ee Merseyside Derby.

Dhinaca kalana dhibaatada ay Liverpool qabto waxey tahay iney maara u heli karin kooxaha yaryar, dhamaan kooxaha u dhiman ayaana ah kuwo iska hoose.

Hadii ay xal u hesho dhibta ay ka qabto iney garaacdo kooxaha darajada weyn aan joogin – wey usoo bixi karaan Champions League xagaaga dambe.

KULAMADA U HARAY:

Everton (H), Bournemouth (H), Stoke (A), West Brom (A), Crystal Palace (H), Watford (A), Southampton (H), West Ham (A), Middlesbrough (H).

MANCHESTER UNITED:

Red Devils ugu dambeyntii waa ka baxday booska 6-aad, hadda waxey joogtaa 5-aad inkastoo aysan u dheereyn waa mid ka mid ah kooxaha ay u hareen kulamada ugu culus – Arsenal, Chelsea, Man City iyo Tottenham ayey la kulmi doontaa ka hor inta uusan dhamaan xagaaga.

Jose Mourinho ayaase u baahan inuu isku miisaamo Europa League iyo kulamadaas waxaana sugaya waqti culus oo looga baahan yahay in looga baxo si xeeladeysan.

KULAMADA U HARAY:

West Brom (H), Everton (H), Sunderland (A), Chelsea (H), Burnley (A), Manchester City (A), Swansea (H), Arsenal (A), Tottenham (A), Crystal Palace (H), Southampton (A – date TBC).

ARSENAL:

Arsenal waxaa la leeyahay waa suuragal in tan iyo 1995 aysan usoo bixin Champions League marka la fiiriyo xaalada ay kooxda ku jirto, arimaha isku dhex yaacsan ee heshiis kordhinta ciyaartoyda, mustaqbalka Wenger iyo gadoodka Jamaahiirta.

Man City, Man United iyo Spurs ayey wajahi doonaan kulamada soo aadan, mana jirto saadaal fiican oo la siinayo Arsenal kadib bandhigoodii West Brom oo u muuqday mid ay ula kac u sameeyeen.

KULAMADA HARAY:

Manchester City (H), West Ham (H), Crystal Palace (A), Middlesbrough (A), Leicester (H), Tottenham (A), Manchester United (H), Stoke (A), Everton (H), Sunderland (H – date TBC), Southampton (A – date TBC).

FIKIRKAAGA – Afartee kooxood ayaad is leedahay wey usoo bixi karaan Champions League xagaaga dambe?

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *