Home » Horyaalada » Bundesliga » Kooxda Barcelona Oo Qorsheyneysa Inay Dib U Hesho Thiago Alcantra BalseMiyey Bayern Munich Warkan Aqbali Doontaa?

Kooxda Barcelona Oo Qorsheyneysa Inay Dib U Hesho Thiago Alcantra BalseMiyey Bayern Munich Warkan Aqbali Doontaa?

Barcelona ayaa eegeysa suurtogalnimada ay ku soo ceshan karaan Thiago Alcantra oo ah ciyaaryahan Bayern Munich ah balse hore u soo maray Blaugrana sida ay sheegay idaacada Isbaanishka ee Cadena SER.

Agaasimaha isboortiga kooxda Catalan Robert Fernandez ayaa si toos ah u daawaday kulankii Bayern Munich ay la ciyaartay Arsenal ee Champions League, waxaana uu soo laabtay isagoo la dhacsan Thiago kaasoo ka tagay Barca sannadii 2013.

Thiago ayaa qandaraaskii Camp Nou waxa uu ku ekaa 2015, laakiin madaama uusan ciyaarin boqolkiiba 60 kulamadii ay kooxda ciyaartay waxaa qiimaha lagu burburin karay heshiiskiisa uu u dhacay 18 milyan euro taasoo aheyd lacag aad u yar marka loo eego tayada uu lahaa, kooxdii Pep Guardiola ee Bayern Munich ayaana ku faraxsaneyd inay lacagtaas bixiso.

Afar sanno ka dib heshiiskaas, Barcelona ayaa qorsheyneysa inay soo ceshato isaga, inkastoo qandaraaskiisa kooxda Jarmalka uu ku egyahay 2019, waxaana taasi sii dheer in Bayern Munich aysan dooneynin inay iska iibiso isaga.

Barca ayaa raadineysa xiddig khadka dhexe oo boosas badan ka ciyaari kara, xiddig weerar qaadi kara oo goolal dhalin kara, waxaana tilmaamahaas leh Thiago kaasoo walaalkiis Rafinha uu isna weli Barcelona joogo.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *