Home » Horyaalada » italian Serie A » Kooxda Juventus Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaartay Mid Ka Mid Ah Daafacyada AC Milan Ugu Muhiimsan

Kooxda Juventus Oo Heshiis Hordhac Ah La Gaartay Mid Ka Mid Ah Daafacyada AC Milan Ugu Muhiimsan

Sida ay soo daabacday Calcio Mercato kooxda Juventus ayaa heshiis hordhac ah la gaartay difaaca tayada wanaagsan ee naadiga AC Milan ka tirsan Mattia De Sciglio.

Tababare Maxi Allegri ayaa taageero weyn u ah Mattia De Sciglio oo ah daafac labada garab ka cayaari karo waxaana la sheegay in Juve ay haatan qaaday talaabo ay xidigaan ku keeni karto J Stadium.

Waxaa la sheegay in Milan todobaadkaan Mattia De Sciglio liiska cayaartooydeeda madaama ay ogaatay inuu heshiis hordhac qarsoodi ah la gaaray naadiga Juventus si uu xagaagan magaalada Turin ugu soo baqoolo.

Mattia De Sciglio qandaraaska uu AC Milan kula jiro ayaa ku eg xagaaga 2018 waxaana dhawaan la xaqiijiyay in xidigaan uu Milan ka diiday qorshe heshiis cusub looga saxiixayo.

Milan waxay diyaar u tahay inay xagaagan Mattia De Sciglio iska iibiso madaama qandaraaskiisa gabo gabo kusii dhow yahay waxayna Milan ka carootay talaabada uu daafacan qaaday.

Milan hadii ay dhigeeda Juve ka diidaan inay xagaagaan Mattia De Sciglio ka iibiyaan daafacan wuxuu sameyn doonaa inuu dhameesan doono halka sano ee qandaraaskiisa kag harsan kadibna si xor ah Juve ku aadi doono sanadka dambe.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *