Home » Horyaalada » La Liga Spain » “Kuwa Ka Dambeeyay Kiisaska Messi & Neymar Waxey Fadhiyaan VIP-da Bernabeu” – Hadalkii Uu Pique Ku Xanuujiyay Maamulka Real Madrid Oo Dhameystiran.

“Kuwa Ka Dambeeyay Kiisaska Messi & Neymar Waxey Fadhiyaan VIP-da Bernabeu” – Hadalkii Uu Pique Ku Xanuujiyay Maamulka Real Madrid Oo Dhameystiran.

Gerard Piqué ayaa la hadlay saxaafadda kadib kulankii saaxiibtinimo oo ay guusha ka heleen France kulan ka dhacay Paris markaas oo ay 2-0 ku awood sheegteen.

Daafaca mayalka adag ee reer Catalonia ayaa si aan caadi aheyn u weeraray maamulka Real Madrid kuwaas oo uu ku tilmaamay iney yahiin kuwa awoododoa u adeegsada awoodooda iney si eex ah ugu maamulaan wax walba oo la xiriira kubadda cagta Spain gudaha garoonka iyo banaankaba.

Gerard Pique waa u caado inuu dhexda galo muranno dhanka xifaaltanka Madrid iyo Catalonia ah sidoo kalana waa shaqsi aad u neceb kooxda boqortooyada waxaase hadda soo cusboonaaday dagaal u dhaxeeya Madrid iyo xidiga Barcelona.

“Waxba kama sheegi karo ciyaartoyda Real Madrid, balse waxaa jira waxyaabo ku saabsan kooxda oo aanan jecleyn. wey i jahawareerisay markaan arkay shaqsiyaad ka qeyb qaadanaya eedeynta qaladka ah ee Lionel Messi Iyo Neymar kuwaas oo fadhiya qeybta VIP-da garoonka Santiago Bernabeu”

Hadalkaan wuxuu si toos ah ugu socdaa sida la fahamsan yahay qareenka Dowladda Spain Marta Silva Lapuerta taasoo mar walba xaadir ku ah garoonka Santiago Bernabeu marna xubin ka aheyd maamulka Real Madrid markii ugu horeysay ee Florentino Perez loo magacaabay xilka madaxtinimada.

“Waa wax mar walba ka dhaca Madrid” isago hadalkiisa sii raaciyay, “Kiiska kasoo horjeeda Messi, Neymar oo aan waxba ka qaban Cristiano, mar walba waa isku mid”

 

Marta Silva Lapuerta: Waa haweeney dhalatay 15-kii February 1969-kii, waxeyna xeer ilaaliye aheyd tan iyo September 2014, sidoo kalana waxey aheyd xoghayaha guddiga maamulka Real Madrid waqtigii ugu horeeyey ee Perez. 2000 ilaa 2006, sidoo kalana laga soo bilaabo 2003 waxey aheyd xoghayaha guud ee shirkadda Sacyr, SA.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *