Home » Horyaalada » La Liga Spain » LAMA FILAAN: Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi oo Markale Diiday Inay isku Codeeyaan- Yay Siiyeen Codkoodii Xalay?

LAMA FILAAN: Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi oo Markale Diiday Inay isku Codeeyaan- Yay Siiyeen Codkoodii Xalay?

Iyada oo la ogaaday ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa dunida sannadkii lasoo dhaafay islamarkaana uu ku guuleystay Cristiano Ronaldo, ayaan haddana waxaa jiray codad si gaar ah muhiim ay tahay inaad wax kaga ogaato sida loo dhiibtay.

Macalimiinta iyo kabtanada xulalka qaranka kubadda cagta ayaa sida caadada ah dhiibtay codkooda  iyadoo sidookale madaxda warbaahinta qaar ay dhiibteen codkooda.

xafladii-xalay

sidaas darteed waxaan eegi doonaa bal labada ciyaaryahan ee Ronaldo iyo Messi cida ay ugu shubeen codkooda madaama ay yihiin kabtanada Portugal iyo Argentina.

Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa codkooda waxa uu u dhacay qaabkaan. Ronaldo ayaa siiyay sadexdiisa cod Gareth Bale, Luka Modric iyo Sergio Ramos oo ay kawada tirsan yihiin kooxda Barcelona.

Halka ninka ay xifaaltamaan ee kooxda Barcelona Lional Messi uu isna siiyay saddexdiisa cod ciyaartooyda kala ah Luis Suarez, Neymar iyo Andres Iniesta.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *