Home » Europe » Champions League » Lionel Messi Oo Gidaarka Gurigiisa Suranaya Sawirkii Ugu Cajiibsanaa Ee Laga Qaaday Kulankii Mucjisada Ee Camp Nou.

Lionel Messi Oo Gidaarka Gurigiisa Suranaya Sawirkii Ugu Cajiibsanaa Ee Laga Qaaday Kulankii Mucjisada Ee Camp Nou.

 

 

Sawirka kaliya ee qabsaday hadal heynta kubadda cagta horaantii bishii Maarso wuxuu ahaa sawirkii laga qaaday Lionel Messi ee uu la dabaal dagayay taageerayaasha kooxda Barcelona kulankii ay sida mucjisada ah kaga soo gudbeen Paris Saint Germain.

Barcelona 6-1 ayey ku garaacday PSG kulankii lugta labaad ee ka dhacay Camp Nou wareega 16-ka koobka horyaalada yurub markaas oo ay kusoo gudbeen 6-5 isku cel-celis.

Santiago Garces aya ahaa qofkii nasiibka u yeeshay inuu sawir Messi isagoo ku dhex jira taageerayaasha Barcelona, balse xerada tababarka ayuu ugu yimid Messi isaga iyo labadiisa wiil kuwaas oo gudoonsiiyay Messi sawirka oo ay galiyeen [Frame] qurux badan.

Lionel Messi ayaana suran doona darbiga gurigiisa,  iyadoo Garces uu yiri waa sawirkii ugu weynaa oo aan nolosheyda qaado.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *