Home » Africa » Liverpool oo dhameystirtay inta badan saxiixa xiddiga Roma Mohamed Salah- miyuu dhacay heshiiska?

Liverpool oo dhameystirtay inta badan saxiixa xiddiga Roma Mohamed Salah- miyuu dhacay heshiiska?

 

Liverpool ayaa hal talaabo u soo jirsatay saxiixa Mohamed Salah oo katirsan kooxda Roma, ka dib markii ciyaaryahanka garabka ka ciyaara heshiis shaqsi ah uu la gaaray kooxda Jurgen Klopp, sida laga soo xigtay Sky Italy.

Sky Italy ayaa fahamsana in Salah uu la kulmay Klopp oo ah tababaraha Liverpool waxaana la rumeysan yahay inuu ugu biirao Reds £ 35m oo u dhiganta (€ 40m).

Sky Sports ayaa soo wariyay in Liverpool dalab £ 28m oo ay kazoo gudbisay Salah laga soo diiday, laakiin heshiiska ninka heerka caalami ee Masar, ayaa hadda u muuqda mid soo dhamaaday.

guddoomiyaha shirkadda reer America eel eh Liverpool ayaa la kulmaya James Palotta, si lo dhameeyo heshiiska saacadaha soosocda sidaas waxaa lagu sheegay warbaxinta wargeyska.

Haddii heshiiska uu hirgalo, waxa uu barbareyn doonaa rikoorka suuqa kala iibsiga ugu qalisanaa taariikhda Liverpool ciyaartooyd ku iibsato, kaasoo hore uu u heystay Andy Carroll oo ka yimid Newcastle 2011.

Ciyaaryahankii hore ee Chelsea Salah ayaa ugu biiray Roma lacag dhan £ 13m xagaagii la soo dhaafay ka dib markii muddo hal xilli ciyaareed amaah ah uu la qaatay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *