Home » Horyaalada » Liverpool-Oxlade Champerline, Navas – Sevilla & Dhamaan Waxyaabihii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Duhurnimadan

Liverpool-Oxlade Champerline, Navas – Sevilla & Dhamaan Waxyaabihii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Duhurnimadan

Arsenal ayaa dooneysa in ay bixiso £200m xili ciyaareydka soo aadan si ay u xaliso dhibaatooyinka haysta sidoo kale waxaa dab kale kusii shidaya joogitaanka Arsene Wenger, si kastaba Wenger ayaa xiriir wanaagsan la leh madaxa ugu sareeya Gunners  Ivan Gazidis kaasoo hatan 67-sano jirkan go’aan ka gaari doona mastaqbalkiisa.

Wenger ayaa ku hami weyn in uu sanad kale maamulo kooxda kaasoo bishaan laga sugayo warka kasoo baxa maamulka kooxda balse taageerayaal dhawr ah uu cadaadis xoogan kala kulmaya.

Liverpool ayaa isha ku haysa in ay lasoo saxiixato 23-sano jirka qadka dhaxe Arsenal kaga ciyaara ee Alex Oxlade-Chamberlain, kaasoo qandaraaska kooxda uu kula jogo dhici doona xili ciyaareydka soo aadan.

Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa ka cabsi qaba goolhayyaha 23-sano jirka reer Spain David de Gea in uu diido heshiiska cusub ay kooxda usoo bandhigayso xili ay baadi goob weyn ugu jirto kooxda Real Madrid.

Chelsea ayaa dooneysa in ay heshiis la gaarto daafaca bidix ee kooxda Monaco halka ay loolan adag kala kulmi karto kooxda liverpool Iyo Manchester City.

xidiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa iska diiday in uu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid sida uu qabo xidigii hore kooxda 48-sano jirka lagu magacaawo Marcel Dedailly.

 

Xidiga kooxda Chelsea iyo xulka Netherland Marco van Ginkel ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo Fenerbahce ama PSV Eindhoven midkood in uu qaab amaah ah uu ugu dhaqaaqo.

Garabka duula kooxda Manchetser City Navas ayaa doonaya in uu dib ugu biiro kooxdiisa hore ee Sevilla markii uu qandaraaska kooxda uu kula joogo uu soo idlaado kaasoo 10-kulan qura horyaalka premier league kusoo bilaawday.

West Brom ayaa dooneysa in ay lasoo saxiixato daafaca danbe ee kooxda Liverpool Mamadou Sakho kaasoo haatan qaab amaah ah kula jooga kooxda Crystal Place.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *