Home » Horyaalada » Bundesliga » Lixda Rooso Oo Aan Abid La Ilaawi Karin Taariikhda Kubada Cagta

Lixda Rooso Oo Aan Abid La Ilaawi Karin Taariikhda Kubada Cagta

waxaa jira kaarar rooso ah aan la ilaawi karin taariikhda kubada cagta kuwaasoo ay adagtahay in sidaa oo kale la sameeyo ama si sahlan lagu iloowo, dhamaan kaararkani waa kuwa caan ka ah dunida kuwaaso siyaabo kala duwan loo kal qaatay, qaarkood waa kuwa xamaasad leh, qaarna waa kuwa lisku ganaaxo.

Hadaba waa kuwaan lixda rooso aan abid la ilaawi karin taariikhda kubada cagta.

6. Robin Van Persie –Arsenal vs Barcelona (2011)

Robin Van Persie wuxuu ku jiraa xidigaha calaamada hurdiga qaatay kuwa aan la ilaawi karin, wuxuu ku qaatay calaamdan si anshax daro ah ka dib markii uu kubada darbeeyay kaasoo laga dhigay garab dhaaf wuxuuna muteestay in la siiyo kaarka hurdiga wuxuuna u ahaa midkiisa labaad uu qaato wuxuuna muteestay in laga saaro ciyaartaaso oo Arsenal wajahaysay kooxda Barcelona tartanka Champions league xili ciyaareydkii 2010-2011.

 

5. Wayne Rooney –England vs. Portugal (2006).

kaarkan roosaha uu qaatay Wayne Rooney wuxuu ahaa mid diiwaanka u gala xidigan ka dib markii uu qalad ku galay ciyaaryahan u ciyaarayey Portugal wuxuuna ka hortagayey saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo, wuxuuna u muuqday mid ku arga gaxay kaarkaasi maadama uu si layaab leh uu u fiirinayey gacanta garsooraha uu kaarka uu ku hayyey.

4. David Beckham –England vs. Argentina (1998).

Daily Mail ayaa soo daabacday warbixin ku saaban kaarkani ka dib ciyaarta markii ay soo idlaatay oo ay ku leedahy in xidigan uu anshax xumo ku dhaqaaqay, waxey ahayd waqti xun ka dib markii uu Diego Simeone qalad aan lagu galin uu jilay uu Beckham looga saaray ciyaartaasi.

3. Luis Suarez –Uruguay vs. Ghana (2010)

xidigii hore kooxda Liverpool haatane ay ku duusho kooxda Barcelona ayaa ku jira xidigaha ay xuseyso warbixintan, Luis Suarez ayaa gool hayye isku mooday ciyaartii ay Ghana ka hortagayey afar dhamadka koobka aduunka 2010-kii kaasoo doonayey markoodii ugu horeysay in ay isa soo taagaan Semi-Finalka koobka aduunka.

2. Zinedine Zidane –France vs. Italy (2006).

wuxuu ka mid ahaa ciyaaryahanda ugu wanaagsan ee kubada cagta soo mara wuxuu haatan hor kacaa kooxda Real madrid wuxuu kaar casaan ku qaatay ciyaartii ay Italy ka hortageen sanadii 2006-da wuxuuna ahaa mid taariikhi ah kaasoo maanka dunida aan marnaba ka bixi doonin.

1. Eric Cantona –Manchester United vs. Crystal Palace (1995).

waa abwaan sidoo kale waa jilaa si la mid ah waa ciyaaryahan ka fadhiistay kubada cagta, Eric Cantona tani waxey u tahay mid liiska madoow ee Manchester United u gashay, Contana ayaa qalad uu sameyay ku muteestay in laga saro garonka ciyaarti ay Crystal Place la ciyaareen sanadii 1995-ta.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *