Home » Horyaalada » La Liga Spain » Luis Enrique Oo Magacaabay 18ka Ciyaartoy Ee Ay Barcelona Kala Hortageyso Caawa Athletic Bilbao.

Luis Enrique Oo Magacaabay 18ka Ciyaartoy Ee Ay Barcelona Kala Hortageyso Caawa Athletic Bilbao.

Barcelona ayaa diyaar u ah lugta labaad ee wareega 16ka Copa del Rey ee ay la ciyaarayaan Athletic Bilbao. Kooxda Blaugrana ayaa dooneysa inay dhanka kale u rogto guuldarro 2-1 oo soo gaartay kulankii lugta koowaad, laakiin caawa waxa ay 11:15pm Saacada Geeska Afrika Camp Nou ku martigelinta doontaa Athletic Bilbao.

Goolhayaha Cillessen ayaa diyaar ah ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac, taasoo la micno ah in tababare Luis Enrique uu heysto koox raam ah uu ka soo xusho shaxdiisa.

Waxaana uu kulanka caawa ka soo tagay goolka Masip, daafacyada Aleix Vidal iyo Mathieu iyo xiddiga khadka dhexe Andre Gomes.

Rakitic ayaa isna soo laabtay ka dib markii la nasasiiyya kulankii Villarreal.

18kii ciyaartoy ee uu Luis Enrique u magacowday kulanka caawa: Ter Stegen, Cillessen, Piqué, Rakitic, Sergio, Denis, Arda, A.Iniesta, Suárez, Messi, Neymar Jr, Rafinha, Mascherano, Paco Alcácer, Jordi Alba, Digne, Sergi Roberto iyo Umtiti.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *