Home » Horyaalada » La Liga Spain » Luis Enrique oo sanad fasaxa ka qaadan doona kubadda cagta

Luis Enrique oo sanad fasaxa ka qaadan doona kubadda cagta

Tababbaraha Barcelona, Luis Enrique waxa uu qaadan doonaa sanad nasasho ah marka uu dhamaado ololahan.

Luis Enrique waxaa lagu wadaa in uu ka tago kooxda kaddib saddex sano oo uu majaraha u hayey, mudadaas waxa uu mu guuleystay Champions League (1), laba La Liga iyo koobab kale.

Fasaxa uu Kubadda cagta ka qaadanayo 46 jirkan ayaa la mida tii uu qaatay tababbaraha Manchester City markii uu ka tagay 2012 Barcelona kahor inta uusan ku biirin Bayern Munich.

Luis Enrique waxa uu ka mida yahay raga la qabo in ay bedeli karaan Arsene Wenger balse waxa uu sheegay in uusan xil qaban doonin ilaa uu dib u soo dabeeto barariyadiisa.

“Hadii aan ka tagayo Barcelona, gurigeyga, halkaas oo aan xiriir wanaagsan kula leeyahay ciyaaryahanada, waxaa sabab u ah daal,” ayuu yiri kahor kulanka arbacada ee Sevilla.

“Waxaan u baahanahay soo kabasho. Ka fekeri maayo kooxo kale. Waxa ay ahaan doontaa sanad soo kabasho, laakiin hada waxa haray in la qabto waa ku gabagabeynta ololahan ka gun gaaridda dhamaan himilooyinkeena.”

Barcelona waxa ay kaalinta labaad uga jirtaa jadwalka La Liga, laba dhibcood ayeyna u jirtaa Real Madrid, waxa ay Juventus la dheeli doontaa sideed dhamaadka Champions League waliba kooxda kuma dhawaaqin qofkii shaqada ka badali lahaa Enrique kal dmabe.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *