Home » Europe » Lukaku, Ibrahimovic, Dembele, Mertens, Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysyadu Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Lukaku, Ibrahimovic, Dembele, Mertens, Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Ay Wargaysyadu Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Chelsea ayaa qorshaynaysa inay samayso dalab ku kacaya  £100m oo ay ka gudbinyaso Everton 23-jirkeeda weerarka ka ciyaara Romelu Lukaku iyo xidiga qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ee Ross Barkley oo asaguna 23-jir ah.  (Daily Telegraph)

Everton ninka saamiga ugu badan kuleh ee Farhad Mushiri ayaa kaslooni ku qaba in Romelu Lukaku uu u saxiixi doono heshiis cusub kooxda.  (Talksport)

 

Manchester United ayaa kula soo biirtay Chelsea 20-jirka Celtic weerarka kaga ciyaara Mousa Dembele, oo lagu qiimeeyo £30m.  (Independent)

 

Manchester United iyo Manchester City ayaa ku wada ciyaari doona ciyaar saxiibtinimo San Diego oo United States ah kahor inta uusan bilaaban xilli ciyaaredka soo aadan. (Times – subscription required)

 

Barcelona ayaa xiisaynaysa saxiixa 19-jirka Borussia Dorrmund weerarka kaga ciyaara Ousmane Dembele marka lagaaro xagaaga.  (Mundo Deportivo – in Spanish)

Napoli weeraryahankeeda Dens Mertens oo 29-jir ah, ayaan u saxiixi doonin qandaraas cusub kooxda reer Italy asagoona isha ku haya u dhaqaaqidda Premier League.  (Het Laatste Nieuws – in Dutch)

 

Zlatan Ibrahimovic wakiilkiisa ayaa ku sugan United States asagoo wada hadal la yeelan doona LA Galaxy, si mutaqbalka 36-jirkaan weerarka kaga ciyaara United uu dhinac ugu dhaco. (Marca)

 

Liverpool ayaa xiisaynaysa saxiixa Brandt, ayadoo tababare Klopp uu diyaarinayo inuu bixiyo £20m. (Daily Mirror)

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *