Home » Maxaa Cusub » Lukas Podolski Oo Qiirooday Kulankii Xalay Ee Sagootinta Ahaa & Muller Oo Aan Yareesan

Lukas Podolski Oo Qiirooday Kulankii Xalay Ee Sagootinta Ahaa & Muller Oo Aan Yareesan

Mar dambe qofna ma daawan doono Lukas Podolski oo xiran maaliyadda Jarmalka hadii uusan go’aanka xiddigii hore Arsenal, Bayern & FC Cologne wax iska badalin – waayo xalay ayaa si aan caadi aheyn loo sagootiyay kulan ay Jarmalka 1-0 ku garaaceen England.

Lukas wuxuu xirtay maaliyadda Jarmalka markii ugu dambeysay sidoo kalana markii ugu horeysay ayuu xirtay marada xushmadda (Kabtan), isagaana xalay dhaliyay goolka qura oo ay ku adkaadeen markii uu kubad gantaal aheyd shabaqa Hart dhex dhigay 20-daqiiqo iyadoo ay ka dhiman tahay ciyaarta.

31-jirkaan waxaa lagu sharfay inuu ciyaaro kulankiisii 130-aad ee Jarmalka, waxeyna jamaahiirta qarankiisa ku qeylinayeen magaciisa tan iyo dhamaadka, sidoo kalana wuxuu helay sare kac xoogan markii uu kasii baxayay garoonka.

“Qaabka ay kusoo dhamaaday ciyaarta maanta waxey aheyd sida Filim” Ayuu yiri Podolski, “Waan guuleysanay waxaana dhaliyay goolka qura”.

“Waxey aheyd sida filim, wuxuu ahaa kulan weyn, natiijo weyn iyoo hab weyn oo sagootin ah”

“Ma aanan filaneyn inaan heli doono soo dhaweyn sidaan ah” Ayuu yiri Podoslki oo xalay ka helay qaabkii ay u sagootiyeen ciyaartoyda, Maamulka iyo Jamaahiirta,

Taageeryaal badan ayaa helay saxiixa Lukas, kuwaas oo banaanka garoonka iyo gudahaba nasiib ugu helay inuu saxiix u sameeyo.

Waxaa jiray boor weyn oo dhinaca koofureed ee garoonka Westfalenstadion lagu dhajiyay kaas oo lagu xardhay (130-kulan, 48-gool, Halyeey – Mahadsanid Lukas”.

Thomas Muller oo ay waqti iskala soo ciyaareen qaranka ayaa yiri: “Ma qori karo qoraal sheeko oo midaan ka fiican, waxey noqon laheyd mid aan wanaagsaneyn hadii aan director ka ahaan lahaa, qofna ma aamini karo midaan”.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *