Waxaa kooxda man United lasoo magacaabay liiskeeda ciyaartoyda u safan doonta koobka Horyaalada qaarada yurub CL iayadoo lagu soo daray saxiixa cusub ee kooxda Marouane Fellaini.
Liiska United ka waxaa sidoo kale ka soo muuqday laacibiin baday uu ka mid yahay wiilka yar ee Wilfried Zaha,macalin David Moyes ayaa sidoo kale liiska labaad kooxda ku soo daray dhowr ciyaaryahay oo kamida da’yarta kooxda Unitedka oo ay ka mid yihiin Sam Johnstone, Tom Thorpe, Larnell Cole, Jesse Lingard iyo Will Keane waxaana sharciga xidigahaan uu yahay inay dhasheen 1 januery 1992 sidaasna ay kooxda loogu soo daray, waxaana si layaab leh boos u helay wiilka lagu magacaabo Alex Buttner inkastoo uu maqanyahay Flacher.
Waa kan liiska ciyaartoyda Manchester united Tartanka Hoyaalada Yurub.
goolhaye : David de Gea, Anders Lindegaard.
daafac : Rafael, Patrice Evra, Phil Jones, Rio Ferdinand, Jonny Evans, Chris Smalling, Nemanja Vidic, Fabio, Alexander Buttner.
dhexda : Anderson, Ryan Giggs, Michael Carrick, Nani, Ashley Young, Tom Cleverley, Antonio Valencia, Shinji Kagawa, Wilfried Zaha, Marouane Fellaini.
Weerarka: Wayne Rooney, Javier Hernandez, Danny Welbeck, Robin van Persie.