Home » Maxaa Cusub » Ma Ahi Shaqsi Kibir Badan.. Waxaan Ahay Qof Hami Leh, Lukaku Oo Si Maldahan Uga Hadlay Ka Tagista Kooxda Evertoon

Ma Ahi Shaqsi Kibir Badan.. Waxaan Ahay Qof Hami Leh, Lukaku Oo Si Maldahan Uga Hadlay Ka Tagista Kooxda Evertoon

Romelu Lukaku ayaa sheegay in ay jirin wax qaldan uuna leeyahay hami ka dib diiditaankii heshiiska cusub uu ka diiday kooxda Evertoon.

Xidigan reer Belgium ayaa u muuqday mid isaga tagaya kooxda kaasoo jah wareer ka qaaday bilihii suuqa kala iibsiga uu furna waxaana xusid mudan in wakiilkiisa Mino Raiola uu sheegay 99.9% uu baaqi kusii ahaan doono kooxdiisa.

Gool dhaliyaha kooxda Everton ayaa marar badan sheegay in uu xiiseenayo in uu ciyaaro tartanka dunida loogu jecel yahay ee Champions League iyo koobab kale balse koxoda uu haatan ku sugan yahay ma ahan koox ka mid noqon karta kooxaha ka qeyb qaadanyya tartamdaasi.

Lukaku hints at Everton exit: The decision is made... I'm ambitious, not arrogant

“Go’aanka hore baan u gaaray mana doonayo in aan hada ka hadlo” ayuu yiri Lukaku kaasoo labo sano ay kaga harsantahay qandaraaska uu kula joogo kooxda Evertoon.

“waxba kama qaldana hamigayga, mararka dad weynaha waxa ay dhahayyaan waa waxyaabo qaldan balse hami ayaan leeyahy waxaan ahay ciyaaryahan, waxaan doonayaa in aan ku guuleysto tartamo kala duwan sidoo kale ma aqaan dad weynaha waxa ay iga aaminsanyihiin waxaan ahay qof aan isla weyneyn” ayuu kusoo afjaray hadalkiisa Lukaku oo la hadlayey saxaafada.

Lukaku ayaa haatan 21-goal ka dhaliyey horyaalka premier league 28-kulan uu ciyaaray kaasoo 2-goal ka sareeya xidiga u ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *