Home » Horyaalada » Ma Jirto Sabab Aan Uga Tago Kooxda Atletico Madrid Iyo Magaalada Madrid.

Ma Jirto Sabab Aan Uga Tago Kooxda Atletico Madrid Iyo Magaalada Madrid.

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid iyo xulka France Antoine Griezmann oo ka hadalday wararka sheegaya inuu u dhaqaaqi doono kooxda reer England ee Manchester United kuna ciyaarta garoonka Old Trafford ee ka  dhisan horyaalka looguu jecel yahay caalamka ee Premier League.

Antoine Griezmann ayaa xaqiijiyey in aysan jirin wax caqabado ah oo uu laga tagayo kooxdiisa Atletico Madrid sheekooyinka lisle dhexmarayana ayyihiin kuwo waxbo kamajiraan ah iinmka uu ku qanacasan yahay joogi taanka Atletico iyo nolaosha fiican ee uu ku hjeysto mgaalada Madrid ee caasimada dalka Spain.

Premier League wararka laga helaayo ayaa iyana dhankooda la warinayaa in macalinka leyliya kooxda Manchester United ee Jose Mourinho uu dagaal aadg u gali doono sidii laacibkan reer France uu u keeni lahaa garoonka masraxa riyada ee Old Trafford.

“Marwalba waa la’iweydiyaa su’aalahan ku saabsan mutaqbalkeyga waana mid joogto ah,” ayuu Griezmann u sheegay Channel-ka La .

“Sidan marwalna iraahdo, waan ku faraxsanahay inan joogo halkan naadigeyga Atletico iyo inaan ku noolaado  magaalada Madrid.

“Cimiladu waa mid aad u sareysa, ciyaarytoyda kooxdeyda waa kuwo aan si fiican isugu wanaagsanahay iyo sido kale waxaan ka hoos ciyaaraa macalin aad u wanaagsan.

“waxaan ku heystaa halkan farxad aad u sareysa. Ma arko sabab aan uga tago koxdeyda Atletico Madrid.

Griezmann ayaa kooxda Atletico Madrid kula jooga heshiis gaaraya bisha June ee sanada 2021-ka.

25 jirkaan ayaa ah furaha koowaad ee garoonka Vicente Calderon ee kooxda Atletico Madrid xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyey 20 gool 37 kulan uu u safray Atletico dhamaan tartamada.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *