Home » Horyaalada » Macalinka Ugu Wanaagsanaa & Goolkii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Bisha Marso Oo Lagu Dhawaaqay

Macalinka Ugu Wanaagsanaa & Goolkii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Bisha Marso Oo Lagu Dhawaaqay

Tababaraha kooxda Bournemouth Eddie Howie ayaa ku guuleystay abaalmarinta macalinka bisha ee Premier League.

Eddie Howie ayaa ku guuleystay abaalmarinta tababarihii ugu fiicnaa Premier League bishaan Maarso isagoo abaalmarintaan ka qaaday tababarayaasha kala ah Craig Shakespeare, Sam Allardyce, Antonio Conte, Mauricio Pochettino iyo Jurgen Klopp.

Eddie Howie ayaa ka caawiyay kooxda Bournemouth bishaan Maarso inaan laga badinin iyadoo kooxda ay ku jirto kaalinta 11aad iyagoo leh 33 dhibcood.

Bournemouth ayaa bishaan Maarso ku bilaabatay barbaro 1-1 ah oo ay la galeen kooxda Manchester United, ka dib waxa ay 3-2 ku garaaceen kooxda West Ham, halka ay 2-0 kaga badiyeen Swansea 18kii bishaan.

La hor kukanka ay isbuucaan u safrayaan Southampton, waxa ay sagaal dhibcood ka sareeyaan boosaska looga haro horyaalka Ingariiska.

Andros Townsend ayaa ku guuleystay abaalmarinta goolkii ugu fiicnaa horyaalka Premier League bisha Maarso.

Xiddiga Crystal Palace ayaa abaalmarintaan ka qaaday Fernando Llorente, Eden Hazard, Harry Kane, Robert Huth, Jesse Lingard, Alexis Sanchez iyo Oumar Niasse isagoo abaalmarinta ku qaaday goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay West Brom.

Townsend ayaa yiri: “Waxaan garab maray Leko, halka Christain Benteke uu orday isagoo booska iiga tagay, inkastoo aysan waxba ii harin hadaan waxaa ku fekeray inaan kaligeey howsha qabsado.

“Waxaana ugu danbeyn noqotay labo ka labo weerar ah, nasiib wanaag waan dhaliyay goolka.

“Hubaashii waxa uu goolkaan ka mid yahay goolashii ugu fiicnaa waayaheyga ciyaareed. Waxaa la igu eedeeyay inaan ahay nin dhaliya goolal fiican balse aan aheyn gooldhaliye fiican.

“Waxaan gool kan la mid ah u dhaliyay Spurs kulan aan la ciyaareynay Swansea, labo gool ayaan u dhaliyay England kulamo aan la ciyaarnay Italy iyo Montenegro si la mid ah Leyton Orient ayaan u dhaliyay, sidaasi darteed goolal fiican waan dhaliyay.”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *