Home » Europe » Macallin Arsene Wenger oo xaqiijiyey in xiddig ka tirsan Arsenal uu xagaagan ka tago kooxda … (Waa kee?)

Macallin Arsene Wenger oo xaqiijiyey in xiddig ka tirsan Arsenal uu xagaagan ka tago kooxda … (Waa kee?)

 

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Arsene Wenger ayaa xaqiijiyey in Lucas Perez uu ka tagi doono kooxda xagaagan.

Perez ayay kooxda Gunners ku soo qaadatay heshiis dhan 17.1 milyan oo gini sanadkii hore, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo safka kooxda koowaad ee Arsenal, waxaana kaliya uu ku soo bilowday safka hore ee kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates labo kulan oo Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Wakiilka 28-sano jirkan ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inay xiddigan saxiixiisa xiiseynayaan kooxo badan oo ka dhisan qaaradda Yurub oo ay ku jiraan Newcastle United, Sevilla iyo Fenerbahce.

Si kastaba macallin Arsene Wenger ayaa hadda xaqiijiyey inay iibin doonaan xiddigan inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga xiddigaha xagaagan.

“Ma jecli inaan lumiyo isaga, laakiin waxaan haysannaa weeraryahanno kale, waxaana jira halkaan xafiiltan aad u weyn, mardambe isagu tartan dambe ma geli doono” ayuu Macallin Wenger u sheegay suxufiyiinta.

Perez ayaa 21 kulan u saftay Arsenal tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, waxaana uu u dhaliyey 7 gool.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *