Home » Maxaa Cusub » Magaalooyinka & Kooxaha Uu Ka Dhaliyay Cristiano Ronaldo (100) Boqolkiisa Gool Ee Tartamada Yurub.

Magaalooyinka & Kooxaha Uu Ka Dhaliyay Cristiano Ronaldo (100) Boqolkiisa Gool Ee Tartamada Yurub.

Cristiano Ronaldo ayaa ah hadal heynta ugu badan ee kubadda cagta maanta madama uu noqday ciyaariyahankii ugu horeeyay ee 100-gool dhaliya tartamada yurub, xalay ayeyna u aheyd habeen weyn madama uu laba gool ka dhaliyay Bayern Munich.

Goolkiisii 99-aad iyo kiisii 100-aad wuxuu xalay ka dhaliyay Manuel Neuer iyo kooxdiisa Bayern Munich lugta hore wareega quarter finalka Champions League, inkastoo goolkiisii ugu horeeyay ee tartamada yurub uu ka dhaliyay kooxda Debrecen kulan ka tirsan isreeb-reebka Champions League sanadkii 2005.

Tan iyo markaas wuxuu dhaliyay 100-gool, isagoo sadex jeer u dabaal dagay hanashada koobka Champions League, 140-kulan kadib wuxuu noqday xidig kaga hormara goolasha qarniga xidiga ay aadka u xifaaltamaan ee Lionel Messi.

Magaalada Madrid ayaa ah magaalada uu goolasha ugu badan ku dhaliyay wuxuuna ku dhaliyay 41-gool, nasiib xumo kaliya kooxdiisa ayuu u dhaliyay goolashaas kuna guuleysan inuu Atletico Madrid gool kaga dhaliyo caasimadda.

Magaalada kusoo xigta ee labaad waa Manchester, wuxuuna goolal uga dhaliyay Man United iyo Man City sidoo kalana wuxuu goolal ugu dhaliyay Man United, magaaladaas waa magaalo uu sadex qeyb kaga qeyb qaatay kulamada Champions League.

Magaalada Istanbul wuxuu ku dhaliyay 5-gool, kaliya Fenerbahce ayuuna ka dhaliyay, halka Munich  uu afar gool ku dhaliyay.

Sidoo kale magaalooyinka uu goolasha ku dhaliyay waxaa ka mid ah: Turin, Liverpool, Dortmund, Lisbon, Lviv, Kiev, Razgrad, Moscow, Amsterdam, Malmo, Copenhegan, Cardiff, London, Marsielle iyo magaalooyin kale oo sawirka sare si fiican loogu qeexay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *