Home » Horyaalada » La liga » Man City Oo Ku Dadaali Doonto Inay Sergio Ramos Lasoo Saxiixato Horaanta Bisha Janaayo…

Man City Oo Ku Dadaali Doonto Inay Sergio Ramos Lasoo Saxiixato Horaanta Bisha Janaayo…


Sergio Ramos, Real Madrid v Deportivo La Coruna

Naadiga Man City oo xili cayaareedkan dhibaato xoogan dhanka daafaca gadaale ka heesato ayaa soo bandhigtay qorshe ay ku dooneyso daafaca xulka Spain iyo naadiga Real Madrid Sergio Ramos waxayna kooxda reer Ingiriis ku fikireysaa in daafacan halista ah ay horaanta bisha Janaayo lasoo saxiixato, macalin Manuel Pelligrini ayaa daafacan taageero ah wuxuuna tababare ugu ahaan jiray kooxda Real Madrid sanooyin ka hor sidaa darteed maamulka Man City wuxuu ka dalbaday in Ramos malaayiin lacago ah lagu qarash gareeyo madaama uu xidigan xasilooni kasoo celin karo daafaca Man City oo haatan u muuqdo mid jah wareersan kadib markii kooxdan marnanba meel ka baxsan garoonkeeda aysan Premiership-ka England ku badinin 6-kulan ee ilaa haatan la cayaaray.

27-jirkan heshiiska uu haatan Madrid kula joogo wuxuu ku egyahay sanda 2017 sidoo kalena waa kabtanka labaad ee Real Madrid inkastoo uu haatan kabtanimada kooxdan la wareegay madaame goolhaye Iker Casillas booskiisa lumiyay sidaa darteed Man City aadbay ugu adkaan doontaa inay Ramos kasoo xado kooxda Real Madrid balse waxaa la rumeesan yahay in cayaaryahan walbo oo ku sugan kooxda reer Spain qiimo la dul dhigay sidaa darteed Sergio Ramos qandaraaskiisa waxaa lagu jebin karaa 40-milyan oo euro ah waana qiimo lacageed oo ay Man City bixin karto marka suuqa Yurub dib u furmo.


Waxaa Aqrisay: (181)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>