Home » Europe » Europa League » Manchester United Ma Heli kartaa Anthony Martial Iyo Wayne Rooney Kulanka Rostov Ay Wajahayso

Manchester United Ma Heli kartaa Anthony Martial Iyo Wayne Rooney Kulanka Rostov Ay Wajahayso

 

Manchester United ayaa dhibaato xoogan ka qabtay dhanka weerarka kulankii ay Chelsea guul darada kala soo kulantaya tartanka FA Cup-ka habeenimadii isniinta ahayd maadaama ay xidigaha weerarka kaga ciyaara kooxda ay dhaawacyo kala duwan qabee.

Manchester United ayaa wali heli Karin xidigaha kala ah Anthony Martial iyo Wayne Rooney habeen nimada khamiista markii ayl a ciyaareys  kooxda Rostov wareega labaad tartanka Europa League maadaama ay wali kasoo kaban dhaawacyadii ay qabeen xidigahan.

Sidoo kale Zlatan Ibrahimovic ayaa ka mid ahaa xidigihii maqnaa kulankii Stamford Bridge lagu ciyaaray kaasoo haatan ciyaari kara maadaama uu kaliya ka ganaaxanyahay tartamda laga ciyaaro dalka England.

“Martial Wuu maqnaa kulankii Chelsea dhaawac awgii sidoo kale hadane wuu maqnaan donaa, hadii uu ahaa xidigihii seegay kulankii habeenimada Isniinta wali waad dhaawacantahay mana iigu jiro qorshaha xidigaha aan ku duulayo habeennimada khamiista” ayuu yiri Jose Mourinho.

“Rooney wali wuxuu tabanayaa dhaawac dhanka jilibka ah marka kuma jiro xidigaha u safan doona kooxda kulanka soo aadan wali wuxuu baaqi kusii ahaan doonaa qeybta caafimaadka ee kooxda, waxaanu heysanaa xidigihii kulankii Chelsea aan ku wajahnay oo lagu daray Ibrahimovic”ayuu kusii daray macalinka kooxda United Jose Mourinho.

United ayaa lugtii hore 1-1 la gashay kooxda Rostov lugta koowaad tartanka Europa League wareegiisa 16-ka taasoo la xasuusto in uu Aleksandr Bukharov so bar bareeyay goolkii uu daaha kaga rogay ciyaarta xidiga lagu magacaawo Henrikh Mkhitaryan.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *