Home » Horyaalada » Manchester United oo bedelka David De Gea kasoo heshay caasimadda Madrid, balse qiimaha ayaa waalli ah

Manchester United oo bedelka David De Gea kasoo heshay caasimadda Madrid, balse qiimaha ayaa waalli ah

Manchester United ayaa ka warqabta inay Real Madrid xiiso dhab ah u qabto goolhayeheeda reer Spain David De Gea.

Kooxda tababare Zinedine Zidane ayaana la filayaa inay xagaagaan miiska soo saarto qiimo lacageed dhan 60 milyan oo ginni si ay ula wareegto goolhayahaan, dibna ugu celiso caasimadda Madrid isagoo hore ugu soo ciyaaray kooxda Atletico Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, tababare Jose Mourino wuxuu qorsheyanayaa inuu bedelka David De Gea ka keensado isla caasimadda Madrid wuxuuna u arkaa goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak.

Ilo la hadlay shabakadda ESPN FC ayaa daaha ka qaaday inay kooxda ka dhisan Old Trafford u dagaalami doonto sidii ay ku ceshan laheyd De Gea, balse war wanaagsan ayaa usoo yeeray oo ah inay bedelkiisa u heli karaan Oblak, waana sabab sahli karta inuu heshiiskaani meelmaro.

Si kastaba ha ahaatee, Atletico Madrid ayaa daaha ka qaaday in qandaraaska goolhaye Oblak lagu burburin karo keliya 85 milyan oo ginni, halka qandaraaska De Gea lagu burburin karo 60 milyan oo ginni.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *