Home » Europe » Manchester United Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Midlesbrough.

Manchester United Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Midlesbrough.

Manchester united ayaa waxa ay waqti badan ku qaadatay kaalinta lixaad ee kala sarraynta horyaalka Premier League ayadoona kaalintaas fadhiday in ka badan boqol maalmood waxeyna haatan iska soo xaadirisay kaalinta shanaad ee kala sareynta horyaalka Premier league.

balse galabta  ayay wax waliba is baddaleen kadib markii ay seddex gool ku xaaqday kooxda midlesbrough ciyaartaas oo ka dhacday garoonka River Side Stadium.

Image result for united vs middlesbrough today win

ciyaarta ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan oo garoonka ay lasoo gashay Man United ayadoona gool haye Victor Valdes bad baadiyay fursado gool loo filan karay.

daqiiqaddi 30-aad ayaa ciyaarta waxa hogaanka u qabtay kooxda United kadib markii uu madax uu u dhaliyay Fellaini ka hor inta uusan Jesse Lingrad daqiiqaddii 62-aad ciyaarta ka dhigin 2-0 inkastoo kooxda Midlesbrough uu gool rajo soo celin ah uu u dhaliyay Rudy Getede daqiiqaddi 77-aad.

intaa kadib, waxaa ciyaarta 3-1 kadigay Antonio Valencia daqiiqadii 90-aad taas oo United u fududeesay inay qaataan seddex dhibcood oo ay u baahnaayeen.

United aya hadda soo gashay kaalinta 5-aad ayagoona booska kala baxay arsenal oo shalay guul darro la kulantay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

2 Responses to Manchester United Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Midlesbrough.

  1. shaafici Reply

    19-March-2017 at 6:53 pm


    qoraalka iska hubi saaxiib kaalinta shanaad ayay man united soo gshay adiguna kaalinta lixaad ayaad qortay

  2. Mohamed Reply

    19-March-2017 at 11:38 pm


    Iska sax quraalka United hada kaalinta 5aad ayee fadhidaa ee ma fadhine kaalinta 6aad hada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *