Home » Maxaa Cusub » Manchester United Oo Mashqo Dhanka Weerar Ay Lasoo Daristay Ka Hor Kulanka Chelsea & Fellani Oo Matali Doona.

Manchester United Oo Mashqo Dhanka Weerar Ay Lasoo Daristay Ka Hor Kulanka Chelsea & Fellani Oo Matali Doona.

Manchester United ayey lasoo daristay dhibaato dhanka weerarka ah ka hor kulanka ay caawa la ciyaari doonto Chelsea kulan ka tirsan quarter finalka tartanka FA Cup, waxaana caawa uu weerarka Red Devils yeelan doonaa waji cusub.

Wayne Rooney, Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa gabi ahaan dhaawacyo kala duwan ku seegaya kulanka caawa iyadoo Zlatan Ibrahimovic uu ganaax ku seegi doono taasoo ka dhigan in dhibaatada weerarka Red Devils ay tahay mid baahsan..

Rooney kama uusan qeyb qaadan kulankii UEFA Europa League inkastoo la filayay inuu kulankaan ciyaaro balse Phil Jones ayaa dhibaato ku gaarsiiyay xerada tababarka markii ay isku dhaceen sida ay ku warameyso Sky Sports.

Dhanka kalana Anthony Martial wuxuu kulankaan ku seegayaa dhaawac halka wiilka kasoo qalin jabiyay akademiga kooxda Marcus Rashford uu ku seegi doono xanuun.

Tani waxey ka dhigan tahay in Jose Mourinho uusan heysan caawa weerar, waxaana la filayaa inuu dhanka weerarka ka ciyaarsiiyo Maroune Fellaini taasoo qof walba xasuusineysa waqtigii Louis Van Gaal.

Ugu dambeyntiina Chelsea rikoor fiican ayey ka heysataa Manchester United madama aysan wax qasaaro ah kala kulmin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay, markii ugu dambeysay oo ay Red Devils ka adkaato Blues waxey aheyd October 2012.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *