Home » Horyaalada » Manchester United Oo U Daawasho Tageysa Xidig U Ciyaara Kooxda Barcelona

Manchester United Oo U Daawasho Tageysa Xidig U Ciyaara Kooxda Barcelona

 

Kooxda Manchester United ayaa daawasho ugu jirta xidig u ciyaara kooxda Gobolka Catalan kasoo jeeda ee Barca si ay ula soo wareegto markii la gaaro suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xili ciyaareydka soo aadan.

Red Devils ayaa dooneysa in ay soo xera galiso xidiga garabka bidix ee daafaca kaga ciyaara ee Jordi Alba.

28-sano jirkan ayaa lasoo warinayaa in uusan ku faraxsaneyn ka hoos ciyaarista macalin Luis Enrique balse waxaa la sugayaa goaanka uu qaadan doono markii uu isaga tago macalinkan kooxda Barcelona.

Jorda Alba ayaa la sheegayaa in uu mar doonayo in uu ka ciyaaro dalka England gaar ahaan garoonka Old Trafford uu caga dhigto.

 

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *