Home » Europe » Marc-Adre ter Stegen Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Barcelona Maxaa Soo Kordhay?

Marc-Adre ter Stegen Oo Shaki Galiyay Mustaqbalkiisa Barcelona Maxaa Soo Kordhay?

Gool haye Marc-andre ter Stegen ayaa shaki galiyay mustaqbalkiisa Barcelona maanta oo axad ah, ayadoo warar laysla dhex marayo ay sheegayeen in uu xiisaynayo tababaraha Manchester City Pep Guardiola.

 

tababarihii hore ee Barcelona Guardiola aya baacsanayay 24-jirkaan reer Germany sanadii lasoo dhaafay ayadoo sidoo  kale kooxda Premier League ciyaarta ee City lagu soo warramayo inay dib usoo cusboonaysiinayso xiisaha xidigan dhammaadka xilli ciyaareedkan.

 

ayadoo lawaydiiyay suaal kusaabsaneed xiisaha City iyo haddii uu iska sii joogayo Barcelona sannado kale oo dhawr ah asaga oo waraysi siinayay majaladda maalin  laha ah ee Vanguardia, goolhayaha ayaa yiri: “ma garanayo”

 

“Waxaan isku dayaa in aan sameeyo wax u wanaagsan aniga iyo kooxdayd. oo aan siiyo wanaag iyo hormar. magaranaysida waxa dib ka imaanaya,” ayuu yiri Ter Stegen, kaas oo ka hadalyay heshiis cusub oo u siiyo kooxda ku ciyaarta Camp Nou.

 

Ter Stegen, kaaso oo Barca kaga soo biiray Borussia Moenchengladbach, ayuu heshiiskiisu uu kula jiro kooxda reer Spain ku eg yahay June 2019.

 

“Waan ku noolahay waqtigan, taasina waa waxa ugu muhiimsan. Waan ku faraxsanhay asxaabtayda iyo saaxibadayda halkan waan rajaynayaa  in aan kula guulaysto koobab badan, taasi waa hadafka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *