Home » Europe » “Marcos Rojo Waxa Uu U qalmay In Casaan Lagu Siiyo Inuu Ku Istaagay Eden Hazard”-Alan Shearer

“Marcos Rojo Waxa Uu U qalmay In Casaan Lagu Siiyo Inuu Ku Istaagay Eden Hazard”-Alan Shearer

Daafaca Manchester United Marcos Rojo waxa ay aheyd in casaan la siiyo markii uu ku istaagay Eden Hazard.

Taasi waa aragtida Alan Shearer kaasoo khabiir u ahaa BBC ka dib guuldaradii FA Cup ee Red Devils ka soo gaartay Chelsea.

Rojo ayaa la hardamayay weeraryahanka Blues Diego Costa qeybtii labaad oo dhan, waxaana ay u muuqatay inuu jahwareerkiisa ku furfurtay Hazard iyadoo kaamirooyinka ay qabteen isagoo ku istaagaya xiddiga reer Belgium.

United ayaa markaas ku ciyaareysay 10 ciyaartoy ka dib markii qeybtii hore casaan laga siiyay Ander Herrera.

Chelsea ayaana ka faa’ideysatay taas ka dib markii uu N’Golo Kante uu shabaqa soo taabtay daqiiqadii 51aad taasoo Blues u soo saartay wareega afar dhamaadka koobka FA Cup.

“Rojo iyo Costa waxa ay hardamayeen qeybtii labaad oo dhan” ayuu yiri halyeeya England Shearer. “Waxa ay isku dayayeen inay iska careysiiyaan.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo aan ka jeclahay ciyaarta Costa oo aan taageere weyn ugu ahay laakiin xaqiiqdii ma jecli qeybaha uu isku dayo inuu ciyaartoyda casaan u qalqaaliyo.

“Laakiin Rojo wuu ku istaagay Hazard. Waxa ay aheyd in casaan lagu siiyo taas.”

Xiddigii hore ee United Phil Neville ayaa aaminsan in Rojo uu ganaax kala kulmi karo xiriirka kubada cagta Ingariiska dhacdadaan darteed.

Waxa uu yiri: “Ka dib markii aan aragnay wixii ka dhacay Old Trafford ee Tyrone Mings, waxaad ku fekereysaa in FA-ga ay eegi doonaan arintaan.”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *