Home » Horyaalada » Bundesliga » Markale Borussia Dortmund Oo Ciyaaryahan Ka Dul Qaadday Kooxda Livepool, Haddaba Waa Kuma Ciyaaryahankaasi?

Markale Borussia Dortmund Oo Ciyaaryahan Ka Dul Qaadday Kooxda Livepool, Haddaba Waa Kuma Ciyaaryahankaasi?

Xidigan oo waqti dheer bartilmaameed u ahaa Liverpool ayaa iska diiday u dhaqaaqidda Anfeild si uu ugu biiro Borussia Dortmund. 

Borussia Monchengladbach xidigeeda  Mahmoud Dahoud ayaa go’aansaday inuu baaqi kusii ahaado Germany, asagoona ogolaaday inuu u dhaqaaqo kooxda Bundesliga ciyaarta dhammaadka xilli ciyaareedka.

Xidigan qadka dhexe ayaa waxaa indhaha la raacayay Reds tababaraheeda Jurgen Klopp tan iyo markii uu ku biiray kooxda 16-biloood kahor, si kastaba ha aheetee, waxay u muuqataa in shaqaalihiisii hore ay ka dulqaadeen saxiixa Dahouud.

21-jirkan ayaa lagu burburin karaa qandaraaskiisa £8.6million, sida uu ku warramayo wariye Sebastian Wessling.

Waxay  noqon doontaa markii seddexaad ee xidig bartilmaameed u ah Klopp uu ka doorto ku biiridda Dortmund, aydoo horay ay Ousmane Dembele ugu dhaqaaqay BVB, halka Cristian Pulisic uu iska diiday u dhaqaaqidda Anfeild si uu baaqi ugu sii ahaado Westfalenstadion.

 

Asagoo ka hadlayay qandaraas kordhinta xidigan bishii hore, Monchengladbach agasimaheeda Max Eberl ayaa yiri.

 “Waxaan u qabnaa rabitaan cajiib ah si aan u ballaarino qandaraaskiisa waxaana rajaynaynaa inaan wadajir sii ahaano”, ayuu u sheegay RP-Online.

 

“Hadday taasi shaqayn wayso, wali waxa uu haystaa sannad ka haray qandaraaskiisa, sidaa darteed waa inaad fiirisaa idhihiisa xagaaga aadna aragtaa waxa u wanaagsan qof walba.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *