Home » Horyaalada » France League I » Marquinhos Oo Niyad Jab Ku Riday Kooxaha Barcelona Iyo Manchester United

Marquinhos Oo Niyad Jab Ku Riday Kooxaha Barcelona Iyo Manchester United

Marquinhos ayaa diyaar u ah in uu iska  diido kooxaha Barcelona iyo Manchester United oo doonayeen in ay lasoo wareegaan xidigan balse doonaya in uu heshiis cusub la galo kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.

Daafacan reer Brazil ayaa ku jira daafacyada danbe ee qaarad yurub ugu wanaagsan sidoo kale ku jira daafacyada qaarada yurub laga doodoonayo.

22-sano jirkan ayaa haatan kusii siqaya kulankii 200-aad waayihiisa kubada cagta wuxuuna 17-jeer kasoo muuqday ilaa 17-jeer oo ah heerka sare.

Sidoo kale wuxuu hantay tartanka Champions league si la mid ah wuxuu PSG ka caawiyey in ay ku guuleysato seddex jeer horyaalka ligue  1.

Marquinhos ayaa ku furaxsan ku sugnaashaha dalka France wuxuuna aqbalay in uu baaqi kusii ahaado dalka France asigoo u ciyaarayya kooxda uu haatan u ciyaaro ee PSG kaasoo balan qaaday in uu heshiis cusub uu qalinka ugu duugi doono.

Marquinhos Edinson Cavani Marseille PSG Ligue 1 26022017

“Waxaan bilaabi doonaa heshiis cusub sidoo kale waxaa mararka qaar loo baahanyahay in aad kooxa baaqi kusii ahaato, ma ahan sare u qaadista xirfadeyda balse waxaan koox baaqi kusii ahan doonaa 2019-ka inta laga gaarayo, waxaana doonayaa in aan baaqi kusii ahaado PSG” ayii Foot-Sur u sheegay Marquinhos mar uu ka hadlayey baadi goobka ay kooxaha ugu jiraan.

 

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *