Home » Maxaa Cusub » Martial, Azpilicueta & Lukaku Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Xun Isbuucaan Horyaalka

Martial, Azpilicueta & Lukaku Oo Hogaaminaya Shaxda Kooxda Ugu Xun Isbuucaan Horyaalka

Kulamadii isbuucaan ee horyaalka Premier League ciyaartoy ayeysan u aheyn isbuuc fiican madama ay soo bandhigeen qaabkii ugu liitay sida la fahmay, shabakadda caalamiga ah ee GOAL ayaana soo bandhigtay shax ay ku sheegtay iney ahaayeen kuwii ugu xumaa isbuucaan.

Shaxdaan waxaa hogaaminaya goolhayaha Everton Joel Robles kaas oo kulan weyn oo Merseyside Derby ah laga dhaliyay sadex gool inkastoo goolasha badi uusan isku dayin inuu badbaadiyo.

Daafaca waxaa kasoo muuqday da’yarka Everton Pennington kaas oo dhaliyay goolka qura ee kooxdiisa balse wuxuu dayacay booskoosa, sidoo kalana Clichy oo qaab ciyaareed qaraw ah soo bandhigay kulankii Arsenal, halka Azpilicueta uu markii ugu horeysay dhanka xun kasoo muuqday waxaana wehliya Showcross oo kulankii Leicester City ay guuldarada kala kulmeen la dulmaray.

Arter oo ka tirsan Bournemouth ayaa kasoo muuqday kaas oo rigoore ay guul ku heli kareen ka qasaariyay kooxdiisa, sidoo kale Barton iyo Hendrick ayaa qaab xun soo bandhigay kulankii ay guuldarada kala kulmeen Spurs, halka Lukaku uu ahaa kan ugu liitay kulankii Merseyside Dery.

Anthony Martial ayaa awoodi waayay inuu kooxdiisa ka gudbiyo West Bromwich Albion iyadoo Mourinho uu eeda kulankaas saaray afartii xidig ee afka hore.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *